Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo wada dadaalo lagu samata-bixinayo Shacabka Qardho
    Somalia

    Puntland oo wada dadaalo lagu samata-bixinayo Shacabka Qardho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 28, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, ayaa sheegaya in magaaladaas ay ka socdaan dadaalo lagu samata-bixinayo Dadka ay saameeyeen Daadad xalay kusoo rogmaday Qardho.

    Daadadkan oo ka dhashay roobab saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay dhulka Buuraleyda ah, ayaa sababay inay dumaan guryo dad shacab ah lee yihiin, sidoo kale biyuhu qaataan Gaadiid iyo Goobihii ganacsiga ee ku yaalay magaalada Qardho.

    Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Karkaar G/Dhexe  Cabdi Caseyr Yuusuf, ayaa sheegay in illaa iyo hadda ay xaqiijiyeen in daadadka ay ku dhinteen Saddex Ruux, balse dhimashada ay intaasi ka badan karto maadaama weli dad maqan baadi goob lagu haayo.

    Sidoo kale, G/dhexe Caseyr ayaa sheegay in Ciidanka amnigu Dowladda Puntland ay wadaan gurmadyo deg deg ah oo la sameynayo shacabka, lana soo bad-baadiyay tan iyo xalay shacab fara-badan oo ku jiray guryo ay daadadku qaadeen iyo Xaafado go’doon galay.

    Doonyo Fara-badan ayaa la sheegay inay ku baaba’day Daadadka xalay ku dhuftay Magaalada Qardho, waxaana jira burbur ku yimid Laamiga isku xira Gobalada Puntland, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaana la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo gurmad balaaran iyo xaalada ka dhalatay Daadadkaas.

    Wixii Kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.