Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Deni oo kormeeray Dadkii ay saameeyeen daadadkii Qardho
    Somalia

    VIDEO: Deni oo kormeeray Dadkii ay saameeyeen daadadkii Qardho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 28, 2020Updated:April 28, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqasho ku tegay magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, oo ay ka dhacday fatahaad ka dhalatay Roobabkii ka da’ayey gobolkaasi maalmahan.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Bulshada Qardho la qeybsaday xaaladda Bani’aadantinimo ee ay ku jiraan, iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Biyaha magaaladda kusoo rogmaday.

    Wuxuu Madaxweynuhu ka qeyb galay Aaska dadkii ku geeriyooday daadadka kusoo fatahay magaaladda, isagoo tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkii geeriyooday.

    https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/166937927955397

    Madaxweyne Deni ayaa ku dhex lugeeyay magaaladda isagoo kormeeray goobaha burburku gaaray si uu usoo arko sida ay wax u dhaceen, wuxuu booqday boqolaal qoys oo ku barakacay daadadkii kusoo fatahmay xalayto magaaladda, isagoo la Kulmay bulshada oo uga warbixinaysay khasaaraha jira.

    Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in ay Dowladdu sameysay Guddi heer Wasiir ah oo Ganacsataduna qeyb ka yihiin, kuwaasi oo ka shaqeyn doona gurmadka Qardho.

    Madaxweynaha ayaa baaq u diray Dadweynaha Puntland iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii looga wada qeyb qaadan lahaa xaaladda bani’aadantinimo ka jirta maanta Qardho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.