Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Halkee marayaa gurmadkii Qardho?
    Somalia

    Halkee marayaa gurmadkii Qardho?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 29, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    1: DFS ayaa lacag dhan 1 Milyan oo dollar ugu deeqday Fatahaadii ka shacday Magaalada Qardho, Puntland ayaa xaqiijisay in lacagtaas ay soo gaartay.

    2: Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa Mid Hal-darajo dalacsiiyay Ciidamadii ka qayb-qaatay Gurmadkii iyo Samata-bixintii Shacabka Qardho.

    3: Waasarada Arimaha Gudaha Puntland, Wasaarada Haweenka iyo Gudigga Maciishada iyo Ganacsigga ayaa deeq kala duwan maanta soo gaarsiiyay Qardho.

    4: Maamulka Degmada Boosaaso iyo Dhalinyaradii iska-abuubashay Magaalada Garoowe ayaa Gurmad ka kooban Raashin iyo Cuno-bisil soo gaarsiiyay Magaalada Qardho.

    5: Puntland ayaa beri 750 qoys oo ah dadka ay saameeyeen Fatahaadu u qaybin-doonta gurmadkii ugu horeeyay kaas oo ka kooban cuna-quutal daruuriga ah.

    6: Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa Gaari Raashin ah iyo 3kun oo dollar ugu deeqay dadka ay saameysay Fatahaada Qardho.

    7: Muasasada Minhaaj ayaa dhankeeda deeq raashin ah ugu talagashay Dadka Reer Qardho ee dhibtu ay soo gaarta.

    8: Madaxweynayaasha Hir-shabeele iyo Koonfur Galbeed ayaa ka tacsiyeey geerida dadkii ku waxyeeloobay Fatahaadii Qardho.

    9: Magaalada Gaalkacayo waxaa Galabta kasoo baxay Gurmadkii 3aad ee Shacabka Qardho kasoo gaaraya Magaalooyinka Puntland.

    10: Magaalooyinka Dhahar, Baran, Waaciye, Boosaaso, Ufayn, Carmo, Deegaano ka tirsan Nugaal iyo Mudug waxaa ka socda dadaalo loogu gurmanayo Shacabka Qardho.

    11: Gudigha Sarre ee Gurmadka Fatahaada Qardho ayaa maanta la kulmay Hay’ada Caalamigga ah, iyagoo isla meel-dhigay Qorshaha ka jawaabista deg-degga ah.

    12: Wadamada Maraykanka, Australia, Qaarada Europe in badan oo ka mid ah Iyo dalalka Afrika Qaarkood waxaa ka socda Shirar iyo Kulamo lacago deeq ah loogu ururinayo dadka ay saamaynta xoogaan ku yeesheen Fatahaaduhu.

    13: Puntland ayaa akoomo ka furtay Bangiyadda Amal, Salaam iyo Dahab-shiil kuwaas oo deeqaha lagu soo hagaajin karro.

    • Salaam Bank Account No. 80557710
    • AMAL Bank Account No. 1013340534
    • Dahabshiil Bank Account No. GRWD0008481

    14: Gudi Hoosaadyadda Gudigga Sarre ee Gurmadka Fatahaadaha Qardho ayaa maanta qabtay shaqooyin kala duwan oo ay ka mid tahay, dejinta deeqaha, Nadiifinta Wadooyinka iyo Wacyigelinta Bulshada.

    15: Gudoomiyaha Gobolka karkaar ayaa xaqijiiyay in Maanta la helay dad ku dhaw 10 qof oo horay loo waysanaa, dib ay eheladoodii ula midoobeen.

    Mohamud Nadiif Shire
    Day3
    Wararka Fataahada Qardho.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.