Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Jubbaland oo war kasoo saaray xaalada degmada Baardheere
    Somalia

    Madaxweynaha Jubbaland oo war kasoo saaray xaalada degmada Baardheere

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 30, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kismaayo, 30 April 2020- Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay fatahaadaha ka dhacay guud ahaan Dalka gaar ahaana saameyn ku yeeshay qeybo kamid ah Jubbaland, sida Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo iyo jasiirada Madhawo ee gobolka Jubbada hoose iyo sidookale fatahaadaha ka dhacey magaalada Qardho ee gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland, Fatahadahaan ayaa geystay khasaaro laxaad leh oo Naf iyo Maalba leh, ayadoo ay boqolaal Qoys ka barakaceen hoygoodii hantidoodiina ku wayeen. Madaxwaynaha ayaa walaac ka muujiyay saameynta ay leedahay dhibaatada baahsan ee soo gaartay qoysaska dan yarta ah.

    “Waxaan ugu horreyn murugada iyo dhibka la qeybsanayaa dhammaan qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha ka dhacay guud ahaan deegaannada Jubbaland gaar ahaana Baardheere iyo Madhawo anaga oo dadaal adag ku bixin doonna sidii aan uga qeyb qaadan lahayn badbaadinta iyo samata bixinta qoysaska danyarta ah ee ay dhibtu saameysay, Waxaan ugu baaqayaa dadka in ay ka digtoonadaan fatahaado horleh oo ay suurtagal tahay in ay dhacaan maddaama la filaayo xili robaadkaan in uu noqdo mid ka xoog badan roobabkii hore”.

    Madaxwayne Axmed ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada in ay u gurmadaan walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha roobka kadhashay, sido kale madaxwaynaha ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay gurmad degdeg ah laso garaan shacabka Soomaaliyeed ee ku masiibooyinku ku habsadeen ee ku nool Degmada Baardheere iyo Jaziiradda Madhawo.

    Ugu dambeyn madaxwaynaha ayaa ammaan iyo bogaadin uso jeediyay dhalinyarada, ganacsatada iyo siyaasiyiinta isu xilqaamay u gurmashada shacabka dhibaataysan ee ku waxyeeloobay fatahaadaha culus ee ka dhacay degmada Baardheere waxaana uu xusay in ay Wali jirto khatar ay wajahayaan dadka ku nool jiinka Webiga Jubba iyo Dooxooyinka kuwaas oo mar kale daadad iyo fatahaado xoog leh gaysan kara.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.