Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo dad shacab ah ka afduubtay Gobolka Galgaduud
    Somalia

    Al-Shabaab oo dad shacab ah ka afduubtay Gobolka Galgaduud

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 1, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka naga soo gaaraya Degaanada Galmudug ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ay maanta dad shacab ah ka afduubteen Gobalka Galgaduud.

    Dadka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab Afduubatay oo ah labo nin oo shacab ah, ayaa kooxdu ka afduubatay degaanka Burujeed 70-KM u jir degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

    Dadka degaanka ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay meel isugu keentay qaar kamid ah Shacabka degaanka Burujeed, iyadoona intaas kaddib kala baxday labada ruux ee ay la tageen.

    Ma jirto cid si rasmi ah uga warbixin karta sababta keentay afduubkaan, balse warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka degmada Guriceel ay wadaan qorshe ay kusoo furanayaan labadan ruux ee ku jira gacanta Al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.