Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gaalkacyo: Howlgalada Ciidanka amniga oo durba la mahdiyay
    Somalia

    Gaalkacyo: Howlgalada Ciidanka amniga oo durba la mahdiyay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 1, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hawlgalkii amni xoojinta Mudug ee dhawaan la hawlgaliyay durba waxuu qabtay wax la taaban karo.

    Ciidamada amaanka ee kala duwan waxay gacanta ku dhigeen ilaa 60-qof oo iskugu jira rayid iyo Ciidan,kuwaasoo loo soo qabtay tuhun argagixiso iyo falal kale oo amniga khatar ku ah.

    Ciidamadu har iyo habeen waxay ku jiraan hawlgalo joogta ah oo ay amaanka ku adkaynayaan.

    Waxaa la hawlgaliyay Taloofiinkii Heeganka oo daqiiqad walba laga jawaabayo.

    Waxaa la hawlgaliyay 5-qaybood oo Ciidan heegan ah deg-deg-na uga jawaaba xogaha la helayo.

    Ciidamadu waxay si qarsoon iyo si muuqata uga hawlgalaan dhamaan Masaajidyada,Hotelada iyo goobaha bulshadu ku kulanto ee Gaalkacyo.

    Dhawaan waxaa dhismihiisa la bilaayaa Saldhiga Bartamaha Gaalkacyo,kaasoo noqon doona midka ugu casrisan uguna weyn guud ahaan Puntland.

    Sidoo kale waxaa la hawlgalinayaa laba Saldhig Boolis oo cusub iyo xarunta Taliska qaybta oo dayactir balaaran lagu samaynayo.

    Sida wax ku socdaan 3-bilood gudahood amaanka Mudug wax weyn,ayaa iska badali doona hadii eebe idmo.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.