Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirka Golaha Wasiirada fadaraalka oo looga hadlay Arrimo kala duwan
    Somalia

    Shirka Golaha Wasiirada fadaraalka oo looga hadlay Arrimo kala duwan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 1, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay qaar ka mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha ammaanka.
     
    Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ka hadlay howlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen Caasimadda inta lagu guda jirey bishan Ramadan, wuxuna tilmaamay in la fashiliyey lana fuliyey qorshe-yaal badan oo cadowgu doonayeen in ay ku qal-qalgeliyaan amniga Muqdisho.
     
    Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka, Marwo Maryam Qaasim ayaa ka warbixisay safaro ay ku tagtay gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, waxaana ay sheegtay in dadka gobolladaasi dagan ay ku sugan yihiin xaalad adag, gaar ahaan degmada Waajid oo go’doon ay galiyeen kooxaha Argagixisada una baahan gurmad in loo fidiyo shacabka halkaasi dagan.
     
    Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan Qorshaha iyo qaabka wax ka badelka Wasaaradda iyo safiirada dibedda u jooga Soomaaliya, wuxuna tilmaamay Wasiirku in loo baahan yahay dib-u habayn in lagu sameeyo qaabka ay u shaqeeyaan safaaradaha dibedda ugu yaalla Soomaaliya, isla markaana la dhaqan geliyo sharcigii arrimiha dibedda ee horey loo ansixiyey.
     
    Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha Wasiirada kula dar-daarmay in howlaha muhiimka ah ee horyaala dhaqso loo fuliyo si shacabka Soomaaliyeed ay u gaaraan adeegyada ay u baahan yihiin.
     
    —-DHAMMAAD—-
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.