Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video+Sawiro:-Xuska 26-ka June oo si qurux badan oo cajiib ah looga xusay muqdisho
    Somalia

    Video+Sawiro:-Xuska 26-ka June oo si qurux badan oo cajiib ah looga xusay muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 26, 2017Updated:June 26, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Munaasabad Balaaran oo loogu dabaal dagayay Xuska 26-ka June ayaa ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana ka qaybgalay qaar ka mid ah Madaxda Qaran iyo Marti sharaf badan,

     Qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee Waaya jooga ah oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheekeeyay Taariikhada Halganka Soomaaliya, iyaga oo aad u xasuusiyay dadka ka soo qaybgalay munaasabadaan dadaalka dheer ee laga soo maray in la gaaro Soomaaliya oo xor ah.

    Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” ayaa ku hadlay Afka Guddiga Qaban qaabada Munaasabadaha Qaranka ayaa sheegay in shacabka iyo madaxda Qaranka oo isla socda ay u soo baxeen xuska 26-ka June oo ah markii xoriyada ay qaateen Gobalada Waqooyi ee dalka.

    Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale si aad ah ugu mahadceliyay hay’adaha Ammaanka iyo Warbaahinta oo si wayn isaga xilsaaray Xuskaan oo aad ugu wayn Umadda Soomaaliyeed.

    Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa asna 26-kii June Sanadkii 1960-kii inay ahayd maalin wayn oo dadka Soomaaliyeed ay ka hoos baxeen gumaystihii heestay Dalka.

    Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa tilmaamay in 26-June ay tahay maalintii Calan Soomaaliyeed ee Xor ah laga taago wadan Soomaaliyeed oo Xor ah.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa asna dhankiisa xusay Guushii la gaaray 26-kii June 1960-kii ay ku timid Halgan dheer oo Soomaaliya oo dhan ay ka qayb qaadatay.

    “Halgankaasi dheer waxaan ka dhaxalnay labo Arrimood oo kala ah Farxad iyo Dhib, Farxadu waxay ahayd inaan helnay Xornimo weyn, laakiin Guul darada ayaa ah Barakac, Qaxooti iyo Burbur ay sababeen dagaaladii Sokeeye.” ayuu yiri Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

    Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in maalintaan oo kale ay tahay maalin ku wayn dhammaan shacabka Soomaaliyeed wuxuuna Hambalyo u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogaan.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/C0GHC-NH_ZI

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.