Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka Puntland oo gudagalay ajanadayaashisii iyo gudiyada joogtada ah oo warbixin laga dhagaystay
    Somalia

    Baarlamaanka Puntland oo gudagalay ajanadayaashisii iyo gudiyada joogtada ah oo warbixin laga dhagaystay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 5, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Guddiyada Barlamaanka Puntland ayaa maanta bilaabay soo gudbinta warbixino ku aadan arrimaha ay kala qaabilsan yihiin waxaana maanta soo gudbiyey waxybaaha u qabsoomay caqabadaha haysta iyo talo soo jeedin guddiyada siyaasadda Qorshaynta arrimaha Federaalka iyo Jinsiydaha iyo guddiga Hawlaha guud gadiidka ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
     
    Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad) oo gudoomiye ku xigeenka guddiga qaabilsan Siyaasadda iyo Qorshaynta ayaa warbixinta u soo jeediyey wuxuu kaga hadlay caqabado badan oo ka haysta hay,adaha xukuumada gaar ahaan kuwo soo hoos galaya hawlaha guddigoodu u xilsaaran yahay.
     
    Madaxtooyada ,wasaaradaha Dastuurka iyo Qorshaynta ayuu sheegay in wadashaqayntoodu ay xuntahay wuxuuna soo hadal qaaday in intooda badan ay dhega adgeen dalbyo ay u direen isagoo ugu danbayn guddoonka Barlamaanka u soo jeediyey talo ku aadan inay go,aan ka garaan .
     
    “Arrimha Jinsiyadaha waxaa gacanta ku haya madaxtooyada Puntland nasiib darro wax wada shaqayna kalama dhexeeyo guddiga waana jirta mar mar aan la xiriirnay oo waraaqo aan u dirnay isla markaana an ka dalbanay inay nala kulmaan mana qabsoomin sidaas darteeg wax xiriira lama lihin madaxtooyada Puntland Gudoonka Barlamaankana waan u soo gudbinay waxna lagama qaban” ayuu yiri xildhibaan Surcad.
     
    Wuxuu intaasi uu ku daray in shirka Madaxweynaha Puntland iyo waftiga la socda ay Muqdisho u joogaan aysan waxba kala socon guddigan barlamaanka u qaabilsan arrimha siyaasadda iyo qorshaynta.
     
    Dhan kele Xildhibaan Surcad ayaa cadeeyey in wax wada shaqayna uusan guddigooda xilligan la lahayn wasaaradaha Dastuurka iyo arrimaha Federaalka iyo wasaaradda Qorshaynta Puntland oo sheegay in shirarka iyo arrimaha ay qabtaan aysan guddigu waxba kala socon.
     
    Ugu danbayn guddigan ayaa warbxintooda ku soo koobay talo soo jeedin ku saabsan in golaha barlamaanku uu arrimahan wax ka qabto uuna xil iska saaro kala astaynta shaqooyinka guddiyada barlamaanka Puntland,
     
    Guddiga labaad ee maanta warbxinta soo jeediyey ayaa ahaa guddiga qaabilsan hawlaha guud guryeynta iyo ganacsiga oo uu gudoomiye u yahay Xildhibaan Maxamuud Faarax warsame waxayna soo jeediyeen warbixno ku saabsan arrimaha ka qabsoomay kaabayaasha dhaqaalaha iyo arrimo kele. may sheegin caqabadoka haysta wada shaqaynta hay’adaha fulinta ee dowladda Puntland.
    Halkan ka akhriso:-
     
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.