Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maxaa looga wada hadlay Shirkii amniga Qaranka ee maanta ka furmay muqdisho?
    Somalia

    Video:-Maxaa looga wada hadlay Shirkii amniga Qaranka ee maanta ka furmay muqdisho?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 5, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Amniga Qaranka oo muddo labo maalmood ah ka socon doona xarunta Madaxtooyada.
     
    Shirkan ayaa lagu lafo gurayaa qodobo ay kamid yihiin dib u habeynta laamaha amniga, wada shaqeynta hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.
     
    Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo warbaahinta la hadlay keddib furitaanka shirka ayaa sheegay in uu shirkan daba socdo shirkii bartamihii bishii Abriil ee sanadkan lagu qabtay Madaxtooyada Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya. shirkaas ayaa looga dhawaaqay Golaha Amniga Qaranka iyo qorsheyaal kale oo ay kamid ahaayeen dib u dhiska ciidamada qalabka sida iyo xoojinta dagaalka lagu jiro kooxaha argagixisada ah.
     
    Waxaa ka qayb galaya shirkan xubnaha Golaha Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka,Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka,xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka fadaraalka.hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.