Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamadda Sare oo u fariisaneysa dhowaan Dacwada Xisbiga Himilo Qaran.
    Somalia

    Maxkamadda Sare oo u fariisaneysa dhowaan Dacwada Xisbiga Himilo Qaran.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay bilaaban doonto dhageysiga dacwadda uu u soo gudbiyey xisbiga Himilo Qaran ee ku saabsan xayiraadii safar ee lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

    Baashe oo haatan booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA in dacwada Xisbiga Himilo Qaran u soo gudbiyay Maxkamadda Sare maalmaha soo socda la dhageysan doono.

    Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe ayaa sheegay in maxkamadda sare ay tahay mid madax bannaan oo dacwad qaadi karta balse ma sheegin taariiqda saxda ah ee ay bilaabanayso dacwada uu xisbiga Himilo Qaran u gudbiyay Maxkamada Sare.

    “Dacwwad uu Xisbiga Himilo Qaran soo gudbiyay oo ku saabsan dacwad maamul oo hey’adda duulimaadka rayidka ayaa maalmaha soo socda Maxkamadda bilaabeysa dhageysigeeda”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

    “Dunida oo dhan intaan ka ogahay Madaxweynaha ayaa magacaaba gudoomiyaha maxkamada sare balse maxkamada waa mid madax banaan.”ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamada Sare Baashe mar wax laga weydiiyay sida ay suurtogal u tahay in Madaxweynaha oo soo magacaabay uu ugaga madaxbanaanaado.

    Xisbiga Himilo Qaran ayaa Maxkamadda Sare waxaa uu u gudbiyey 6-dii bishii Oktober dacwad ka dhan ah waaxda duulista iyo saadaasha hawada, kadib markii garoonka Aadan-cadde loo diiday inuu ka duulo Hoggaamiyaha Xisbiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Kismaayo ku sii jeeday.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.