Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa udanbeeyay girgirtankii Aaran-shaydaan+R.Faroole Ee ka laabashada amarkii soo xirida
    Somalia

    Maxaa udanbeeyay girgirtankii Aaran-shaydaan+R.Faroole Ee ka laabashada amarkii soo xirida

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 22, 2023Updated:May 22, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxay isku dayeen in ay Siyaasiyan umucaaradaan Dimuqraadiyada oo waxay abaabuleen kulamo,waxba waa ku badali waayeen.

    Waxay adeegsadeen Saxaafada si ay Bulshada khal-khal ugu abuuraan,waana usocon wayday.

    Waxay ugu danbayn adeegsadeen Xabad,iyadiina waxba waa ku hor istaagi waayeen oo Santuukhyadii Lixda Gobol iyo D.Burtinle si Nabad ah ayay ku dhaafeen taa badalkeeda,iyagaa khasaare soo fuulay oo waxaa miiska usaaran Magta Sadex Nin oo ku dhintay weerarkoodii Santuukhyada.

    Haatan,xaalku,waxuu kusoo ururay Garowe oo qura in ay fawdeeyaan,iyadiina,waxaa si weyn isku abaabulay Bulshada,waxayna ubadan tahay in Shacabka Garowe iyo iyagu Gacanta isa saaraan.

    Hadaba,iyagoo fashilka qabsaday iyo Jarkaboodada Siyaasadeed ee lala ciyaaray qaracan ka ah waxay shuruud ka dhigteen si ay uhelaan Wado ay ka baxaan in laga dulqaado Amarka Maxkamada ee soo qabashada.

    Madaxweyne Deni,ayaa diidan ilaa Maanta in uu aqbalo ka laabashada Amarka soo qabashada,balse dhankooda waa udiyaar in ay aqbalaan doorashada Golayaasha Deegaanka.

    Qodobada Wada furka laga dhigayo,waxay kala yihiin…

    1.In Doorashada Golayaasha Deegaanka mucaarid iyo muxaafid lawada taageero.

    2.In la laalo Warqada Dacwada ee ka taal kooxda.

    3.In Doorashada 8-da Janaayo laga wada hadlo doorashada Golayaasha Deegaanka kadib.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.