Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Abiy Ahmed: Trump dacwadda uu qabo ha u gudbiyo Guddiga Nobel-ka
    Somalia

    Abiy Ahmed: Trump dacwadda uu qabo ha u gudbiyo Guddiga Nobel-ka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 13, 2020Updated:January 13, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u jawaabay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaddib markii uu dhawaan sheegay in Abiy Axmed laga siiyay biladda abaalmarinta nabadda ee Nobel.

    Abiy wuxuu sheegay in uusan wax war ah ka heynin qaababka ay guddiga Nobel kusoo xusheen shakhsiyaadka ay abaal marinta guddoonsiinayaan.

    Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu sidoo kale sheegay in dacwadda uu Trump kaga qabo abaalmarinta uu u gudbin karo guddiga Nobel ee uu fadhigiisu yahay caasimadda Norway ee Oslo.Quote Message: Aniga uma shaqeeyo in aan abaalmarin helo, waxaan ka shaqeeyaan nabadda, waana arrin muhiim ka ah gobolkeena” from Abiy Axmed Ra’iisul wasaaraha Itoobiya

    Aniga uma shaqeeyo in aan abaalmarin helo, waxaan ka shaqeeyaan nabadda, waana arrin muhiim ka ah gobolkeena”Abiy AxmedRa’iisul wasaaraha Itoobiya

    Abiy ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu weriyeyaasha kula hadlayay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria.

    Bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay, Abiy waxaa uu ku guuleystay abaal marinta nabadda ee Nobel kaddib markii uu heshiis la gaaray dowladda Eritrea taas oo lagu soo afjaray dagaalladii ka taagnaa xudduudda labada dal.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo dadweyne fagaare kula hadlayay wuxuu sheegay inuu heli lahaa biladda Nobel ee laga guddoonsiiyay Abiy.

    Inkasta uusan Trump magac dhabin qofkii ku guuleystay biladda Nobel ama dal balse waxaa iska cad inuu hadalka ku waday Abiy, waana hogaamiyaha kaliya ah ee ku guuleystay abaal marinta Nobel tan iyo sannadkii 2016 xilligaas oo Trump la doortay.

    BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.