Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Addis Ababa: Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Abiy oo kulan hor-dhac ah yeeshay (Sawirro)
    Somalia

    Addis Ababa: Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Abiy oo kulan hor-dhac ah yeeshay (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Bole ee magaalada Addis Addis Ababa, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

    Wafdiga madaxweyne Farmaajo oo ay kamid yihiin Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibadda C/qaadir Axmed Khayr iyo La Taliyayaashiisa, ayaa loo galbiyay Madaxtooyada dowladda Itoobiya oo ay kulamo kula yeelanayaan Raโ€™iisul Wasaare Abiy Ahmed.

    Madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha la socda ayaa waxaa Addis Ababa uga sii horeeyay Kusimaha Taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaasoo u gogol xaaray safarka.

    Madaxweyne Farmaajo iyo Abiye Axmed ayaa kulan horudhac ah ku yeeshay qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Bole, waxaa ay yeelan doonaan kulan kale oo labo geesood ah oo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga iyo is dhexgalka dhaqaale ee gobolka iyo amniga dalalka dhaca Geeska Afrika.

    Warbaahinta dowladda Itoobiya ee Magaceeda loo soo gaabiyo FANA ayaa qortay in Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya uu horseed ka yahay aragtida nabad ku wada noolaanshaha Gobolka Geeska Afrika.

    Warar kale oo soo baxaya waxa ay sheegayan in labada hoggaamiye ay isla soo qaadi doonaan sida la sheegay xaalada kusoo kordhay gobolka Geeska Afrika oo bilooyinkii u dambeeyay isbedalo badan uu ka socday.

    Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Addis ababa, ayaa kusoo aaday iyadoo Axadii la soo dhaafay ay magaalada Asmara kulan Saddex geesood ah ku yeeshay Hoggaamiyaasha Itoobiya, Kenya iyo Eritrea, kuwaas oo ku heshiiyay sameysashada Iskaashi saddex goosaad ah oo ku aadan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo nabada, kaasi oo aanay qayb ka ahayn Soomaaliya.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.