Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Khidmada loo qaado Adeega Garoonka Gaalkacyo Oo hoos loo dhigay
    Somalia

    Video:-Khidmada loo qaado Adeega Garoonka Gaalkacyo Oo hoos loo dhigay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 21, 2019Updated:December 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saakay si rasmi ah ugu dhawaaqay in 50% la dhimay lacagtii adeegyada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo laga qaadi jiray.

    Waxaa la dhimay lacagtii Marka ay diyaaradu soo dagto laga qaadi jiray.

    Waxaa meeshaba laga saaray lacagtii laga qaadi jiray diyaaradaha ku dhaxa ama ku hoyda habeenkii garoonka.

    Waxaa la dhimay lacagtii HRM ay qaadan jirtay iyo kuwa kale oo fara badnaa.

    Guud ahaan kharashkii ka bixi jiray Diyaaradaha garoonka isticmaala oo gaaray 2010$ waxaa hada lagu soo koobay 934$.

    Goobta lagu shaaciyay dhimista kharashakan oo ahayd Galkacyo,waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka arimaha gudaha Dhabancad iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada Xoosh.

    Madaxweyne Deni waxuu ku amaanan yahay in uu u istaagay cabashadii shacabka go’aan uusan Wasaaradna ku tixgalina ka qaatay.

    Madaxweyne Deni waxuu ku adkaystay oo ka diiday soo jeedintii Wasaarada Maaliyada amarna cadna ku bixiyay in 50% la dhimo lacagta looga qaado Dadka iyo Gaadiidka isticmaalka Garoonka.

    Shirkadaha Diyaaraduhu waxay si weyn usoo dhaweeyeen talaabadan ,waxayna goobta ka sheegeen in ay aad ugu farxeen soona celin doonaan adeegii diyaaradaha ee joogtada ahaa.

    Sidoo kale waxay shirkaduhu balanqaadeen in ay kusoo darayaan adeegooda diyaarad yar oo maalin walba ukala gooshta Garowe iyo Galkacyo si Dadka ay ugu sahlanaato isticmaalka diyaarada Itoobiyaan Airlines-ka.

    Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo maanta waa tartami karaa,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/Kasmaalmedia/videos/576243862923480/

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.