Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Afar Doonyood oo ku degay Badda Jabuti iyo Yemen
    Somalia

    Afar Doonyood oo ku degay Badda Jabuti iyo Yemen

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 7, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ugu yaraan Laba Qof,ayaa Dhintay, halka 186 kale la laโ€™yahay, kadib markii Afar Doon oo siday tahriibayaal ka soo baxay Afrika ay ku qalibmeen biyaha u dhow Yemen iyo Jabuuti habeenimadii Khamiista, sida ay Jimcaha shaacisay hayโ€™adda socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM).

    Afhayeenka IOM, Tamim Eleian, ayaa u sheegay Associated Press in laba ka mid ah doonyaha ay ku qalibmeen biyaha Yemen, halkaas oo laba ka mid ah shaqaalaha doonyaha la badbaadiyay, balse 181 tahriibayaal ah iyo shan shaqaale Yemeni ah ay weli la laโ€™yihiin.

    Isla habeenkaas, laba doon oo kale ayaa ku qalibmay biyaha Jabuuti. Meydadka laba tahriibayaal ah ayaa la helay, halka dhammaan rakaabkii kale la badbaadiyay, sida uu sheegay Eleian.

    Sida uu warbaahinta u sheegay Abdusattor Esoev, madaxa xafiiska IOM ee Yemen, dabaylo xooggan ayaa sababay in labada doon ee ku qalibmay xeebaha Jabuuti ay rogmadaan markii ay safarkooda badda billaabayeen.

    Doonida saddexaad, oo ku qalibantay meel u dhow degmada Dhubab ee gobolka Taiz, koonfur-galbeed Yemen, waxay sidday 31 tahriibayaal Itoobiyaan ah iyo saddex shaqaale Yemeni ah.

    Doonida afraad, oo ku qalibantay isla aaggaas, waxay ku socotay degmada Ahwar ee gobolka Abyan, iyadoo sidday 150 tahriibayaal Itoobiyaan ah iyo afar shaqaale Yemeni ah.

    Yemen waa marin muhiim ah oo ay tahriibayaal ka socda Bariga Afrika iyo Geeska Afrika u maraan si ay shaqo uga helaan dalalka Khaliijka, iyadoo sannad kasta ay boqolaal kun ku safraan waddadan halista ah.

    Tahriibayaashu waxay badanaa la safraan magafayaal adeegsada doonyo buux dhaafay oo badda mariya, iyagoo ka tallaabaya Badda Cas ama Gacanka Cadan.

    Sida lagu sheegay warbixin ay IOM soo saartay bishan, tirada dadka tahriibayaal ah ee gaaray Yemen waxay kor u dhaaftay 97,200 sanadkii 2023โ€”saddex laab tiradii 2021.

    Sannadkii hore, tiradaasi waxay hoos ugu dhacday wax ka yar 61,000, taasoo la rumeysan yahay inay sabab u tahay kormeer dheeraad ah oo lagu sameeyay biyaha.

    Tobankii sano ee la soo dhaafay, ugu yaraan 2,082 tahriibayaal ah ayaa ku lumay marinkan, kuwaas oo 693 ka mid ah la xaqiijiyay inay badda ku dhinteen, sida laga soo xigtay IOM. Qiyaastii 380,000 tahriibayaal ah ayaa haatan ku sugan gudaha Yemen.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    ๐€๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ซ๐š๐ฅ๐ข๐š ๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ฉ-๐ž๐ฑ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ ๐›๐š๐ง ๐ก๐ž๐ฅ๐ฉ๐ฌ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š ๐ฐ๐ข๐ง $๐Ÿ ๐›๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐จ๐ง ๐จ๐Ÿ ๐ฌ๐š๐ฅ๐ž๐ฌ

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.