Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»AFRICOM oo ka jawaabtay war kasoo baxay Hoggaamiyaha Al-Shabaab+Akhriso
    Somalia

    AFRICOM oo ka jawaabtay war kasoo baxay Hoggaamiyaha Al-Shabaab+Akhriso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 9, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Milatariga Mareykanka ayaa ka hadlay muuqaalkii  ugu dambeeyay ee ay baahisay Al shabaab,kaas oo uu laga duubay Hoggaamiyaha Al shabaab Axmed Diiriye Cumar Abuu Cubayda oo sagootiyay dagaalameyaashii fuliyey weerarkii Balidoogle, kaas oo dhacay bishii September ee sanadkan aynu ku jirno ee 2019-ka.

    Agaasime ku xigeenka howlgalada ee taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM loo soo gaabiyo Miguel Castellanos, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Al shabaab ee ah in ay khasaare gaarsiiyeen Ciidanka Maraykanka, wallow uu xaqiijiyey dhaawaca hal askari oo Ameerikaan ah.“Marka ay dharbaaxo ku dhacdo argagixisadda waxa ay isku dayaan in ay ku qariyaan been abuur,” ayuu ku yiri maqaal uu ku daabacay wargeyska arrimaha ciidamadda ka faalooda ee Military Times.

    Maqaalka oo lagu bogaadiyey howlgalada ka dhanka ah xarakadda Al shabaab iyo deegaanada laga qabsaday, ayna wadaan Ciidanka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa ciwaan looga dhigay “Beenta waxaan kaga hortageynaa runta”

    Sidda laga soo xigtay Castellanos, gulufkii Balidoogle, waxay dileen ciidamadda Soomaaliya 13 Al-Shabaab ah oo duulaanka soo qaaday,iyaga oo qarxiyey saddex gaari oo lagu soo rakibay waxyaabo qarxa.

    “Sawirro ayey soo bandhigi lahaayeen si loo xaqiiqsado,” ayuu raaciyey.Al shabaab bishii September ee sanadkan 2019, waxa ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Maraykanka ee Soomaaliya,kuna tababaro ciidanka Danab ee Balidoogle.halkaan ka aqriso Maqaalka Africom.

    https://www.militarytimes.com/opinion/commentary/2019/11/08/countering-lies-with-truth-battling-terrorist-propaganda-in-east-africa/

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.