Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ahlu-sunna oo ku dhawaaqday go’aan ku aadan Doorashada Galmudug
    Somalia

    Ahlu-sunna oo ku dhawaaqday go’aan ku aadan Doorashada Galmudug

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 26, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaanka ugu sareeya Kooxda Ahlu-sunna Waljameeca iyo Guddiga farsamada & dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Maxamed Shaakir oo xalay ku yeeshay kulan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ,ayaa wada-gaaray go’aan adag oo ka dhan ah DFS.

    Wararka kulankaas laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in hoggaanka Ahlusunna ay qaateen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

    1: In Ahlusunna ay markale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka,taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

    2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Shaakir ay muddo Todobaad gudahood ay kusoo xulaan kuna shaaciyaan Xubno Baarlamaan oo ka kooban 89 Xubnood.

    3: In Ahlusunna wadatashi kadib ay soo saari doonto habraaca doorashada Galmudug iyo mowqifkooda howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug.

    4: In tallaabo kasta oo ay qaadayaan Ahlusunna ay noqdaan kuwo taxadar leh,iyada oo hoggaamiyaha Ahlusunna Maxamed Maxamuud uu walaac ka muujiyey sida ay dowladda u wado dhismaha Maamulka Galmudug.

    Si kastaba kulanka ay yeesheen hoggaanka Ahlusunna oo ahaa mid deg deg ah ayaa ka dambeeyey,kadib markii dowladda ay guda gashay dhismaha Galmudug,iyada oo hoggaanka Ahlusunna ay sheegeen in aan.weli la fulin heshiiskii ay dowladda la galeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.