Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ahlu-sunna oo madaafiic geysay Garoonka Diyaaradaha iyo Ciidankii oo Hawada
    Somalia

    Ahlu-sunna oo madaafiic geysay Garoonka Diyaaradaha iyo Ciidankii oo Hawada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 28, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dib loogu celiyay magaaladaas Ciidamo Dowladda Federaalku ay u dirtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kuwaas oo horey loogu daabulay diyaarado.

    Celinta Ciidamadan ayaa timid kadib markii Ahlusuna Ciidamo fara badan ay dhigtay garoomada diyaaradaha ay maamulaan, kuwaas oo wacad ku maray inay gubayaan Diyaarada sida Ciidanka.

    Askartan oo 100 ka badan ayaa lagu celiyay Hawada, waxaana qorshahooda uu ahaa inay ka degtaan magaalooyinka Cadaado ama Gaalkacyo, si ay safar dhanka dhulka ah ugu soo galaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

    Wararka ayaa sheegaya in Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, uu ku amray Saraakiisha Ciidanka inay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho, maadaama ay is bedeshay xaaladda ay saadaalinayeen.

    Raโ€™iisul Wasaare Kheyre iyo Hoggaanka Ahlusuna ayaa la soo sheegay inay xalay isku mari waayeen wada-hadal ku saabsanaa khilaafka ka dhex bilowday, kaas oo salka ku haya Ciidamo ay Dowladda Federaalku doonaysa inay geyso Dhuusa-mareeb, taas oo Ahlu-sunna ay u aragto Khiyaamo ay wadato Villa Soomaaliya.

    Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.