Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ahlu-sunna oo qaadacday Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug (VIDEO)
    Somalia

    Ahlu-sunna oo qaadacday Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 21, 2020Updated:January 21, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanada Ururka Ahlu-sunna ee ku matala Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa si cad uga soo horjeesteen Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ee maanta lagu doortey Magaalada Dhuusamareeb.

    5 Xildhibaan oo ka tirsan 13 Xubnood ee Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug, kana mid ah kuwa Ahlusunna oo Saxaafadda kula hadley Dhuusamareeb ayaa sheegay in Guddiga ay fara-gelin ku heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Xubin kamid ah Guddiga ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu taagnaa khilaaf la xiriira doorashada Guddoomiyaha & Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada Madaxtooyada, isla markaana doorashadaas la hor istaagey.

    Xildhibaanka ayaa sheegay in faragelin toos ah ay Dowladda Federaalka Soomaliya ku heyso xubnaha guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena uu wakiil uga yahay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

    Ugu dambeyntii, 5 Xubnood ee ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaqsiyaad gaar ah la doonayaan inay noqdaan Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada Galmudug.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.