Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Gobalada iyo Beelaha Wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Puntland
    Somalia

    Akhriso: Gobalada iyo Beelaha Wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay Wasiir Ku-xigeeno iyo Wasiiru-Dowleyaal, kuwaas oo qeybtood laga wareejiyay Wasaaradihii ay joogeen, halka qaarna ay cusub yihiin.

    Madaxweyne Deni ayaa sheegay in magacaabista Wasiir ku-xigeenada iyo Wasiiru-dowlayaashan ay ku timid Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday.

    Hadaba Shabakadda Idil News ayaa hoos idin kugu soo gudbinaysa Gobalada iyo Beelaha ay ka yimaadeen Wasiir ku-xigeenada iyo Wasiiru-dowlayaashan;

    Wasiir Ku-xigeeno:

    1. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, (Gobalka Mudud – Beesha Nuux-jibraahil “Majeerteen”)

    2. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Bashiir Jaamac Maxamed, (Gobalka Mudug Beesha Reer Maxamuud “Majeerten”)

    3. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Cabdicasiis Maxamuud Macallin, (Gobalka Mudug – Beesha Idigfacle “Majeerteen”)

    4. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Sucaad Saalax Nuur, (Gobalka Sanaag – Warsangeli-Cumar)

    Wasiiru-Dowleyaal:

    1. Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), (Gobalka Bari – Beesha Cali Saleebaan “Majeerteen”)

    2. Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha Maxamed Xasan Ciise, (Gobalka Karkaar – Beesha Kaskii-qabbe)

    3. Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Axmed Shire Siciid, (Gobalka Bari – Beesha Cali Jibraahil)

    4. Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Fardowso Cismaan Cigaal, (Gobalka Mudug – Beesha Leelkase)

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.