Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Heshiiskii fududeynta Shahaadooyinka ee DF Soomaaliya iyo Puntland
    Somalia

    Akhriso: Heshiiskii fududeynta Shahaadooyinka ee DF Soomaaliya iyo Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 26, 2020Updated:January 26, 2020No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Halkan ka daalaco hishiisyadii go’aan fududayn bixinta shahaadada Dugsiga sare ee Dowlada Federalka Soomaliyeed ay ku hishiiyeen labada Wasaradood. 19/ December/ 2015.

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxa ay la wadaagaysaa dhamaan dadka Soomaaliyeed jawaabteeda iyo heshiiyada hoos ku xusan sida wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mr Cabdullaahi Maxamed Xasan caddeyay

    1. Heshiiskii 2015

    Sida ku cad lifaaqa hoose waxaa warqad kasoo baxday xafiiska Wasiiradii xilligaa ee Maamo Khadro lagu heshiiyay in shahaadada Federalka laga bixiyo xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland si adeega loogu soo dhaweeyo ardada Puntland. (Fadlan eeg lifaaqa hoose heshiiskii 2015 oo 2 page ah iyo faahfaahintiisa).

    Waxaaa xusid mudan in markii wasaaradda waxbarashada federaalku bilaabaysay imtixaanka shahaadiga ah ay Puntland u dirtay koox ka caawisa lana shaqaysa xilligii Wasiirad Khadra si loo helo imtixaan qaran iyada oo waliba kooxdii loo diray lagu soo weeraray hotelkii ay daganaayeen dad diidanaa owgeed imtixaanka ay ka shaqaynayeen midayntiisa.

    2. Heshiiskii 2017 bishii 7aad

    Waxaa wada hadal aad u ballaaran ku galay Garowe laba kooxood oo ay kala hogaaminayeen labadii Wasiir ee xilligaa oo kala ahaa Wasiir Abdirahman oo ah wasiirkii xilka ku wareejiyay wasiir Goodax iyo wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mr Abshir Aw-Yusuf isse. Waxaa la isku afgartay qodobbo ay ka midyihiin imtixaanka, shahaadad iyo deeqaha waxbarashada oo intaba laga gaaray heshiis.
    ( Fadlan eeg lifaaqa heshiiskaas oo saxiian 2017 kii ilaa dhawr bog ah oo ay saxiixeen labadii wasiir, labadii agaasime guud, iyo gudigii wada hadalka).

    Maxaa xigay?

    Markii uu yimid Wasiir Goodax waxa uu si cad udiiday dhamaan iskaashigii iyo wadashaqayntii labada wasaaradood.

    Wasiir Goodax waxa uu email usoo diray Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Puntland isaga oo ku amraya in Puntland sanadkii tagay 2019 ay galaan imtixaanka Federalku diyaariyay taas oo ku ahayd kadiso iyo layaab maadaama aan la midayn manaahijtii ka horraysay. Waxay ula muuqatay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland in ay tacaddi ku tahay ardayda reer Puntland inay galaan imtixaan ku salaysan waxa aysan soo dhigan.

    Wasiir Goodax si ka baxsan anshaxa waxbarashada waxaa uu tagay TVga qaranka isaga ka sheegay si Public in Puntland diiday imtixaankii Wasaaradda Waxbarashada Federal ka taa badalkeed na ku goodiyay inuu joojinayo shahaadada aradada ree Puntland, si ka duwan sidii wasiirradii ka horreeyay oo ahayd in lagu dhamayn jiray wada hadal iyo isqancin wixii markaa jira.

    Tanaasulkii Wasaaradda Waxbarashada Puntland

    Sida aad ka arki karto lifaaqa hoose waxaa shir isugu yimid Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mr Mukhtraar Jeyte iyo Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada federalka Mr abdirahman abdulle Jaabir oo kasoo jeeda Puntland kaas oo la isku dayay in la xalliyo khilaafka si loogu daneeyo ardada ayaa waxaa la isku afgartay qodobbada ay ka mid yihiin; (Fadlan lifaaqa Tanasulka Wasaaradda)

    1. In la mideeyo imtixaannada 2020 si cilmiyaysan oo macquul ah.
    2. In la dhiso gudiga imtixaanaadka qaranka oo yeelan doona shaqo qeexid iyo miisaaniyad (Federal Examination Board).
    3.In la mideeyo kormeerka imtixaanka xilliga la dajinayo, la qaadayo, lana saxayo.
    4.In natiijada imtixaanka lagu shubo Website ka Wasaaradda Waxbarashada Federalka.
    5.Bixinta iyo Tasdiiqinta shahaadada in laga helo xarumaha dawlad goboleedyada.

    Waxaa xusid in Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mr Mukhtaar Jeyte uu saxiixay sidaad ka arki karto balse uu diiday wasiir Goodax markii lala wadaagay illeen waa nin ujeeddo kale leh oo ku tala galay inuu dhibaateeyo ardayda ree Puntland ee Soomaaliyeed markastana iska horkeeno bulshada. Waxaa sidii sanadkii hore oo kale mar labaad uu tagay idaacadaha si uu uga beensheego xaqiiqda iyo waxa ay runtu tahay, bal eeg qodobbada uu saxiixay Wasiir Mukhtaar ee lagu midaynayo maalmaha imtixaanka, kormeerka iyo waxkasta oo macquul ah.

    Gunaanad

    Dooddaan waa dood dastuuri ah, dalku waa federal mana aha shahadada in loo doonto Muqdisho, sido kale adeegga bulshada oo waxbarashadu ka mid tahay waa in loo daadajiyaa heer gobol, dagmo iyo tuulo ee ma ahaa in loo doonto caasimadda sida ku cad dastuurka, adduunkuna ku dhaqmo.

    FG. Fadlan eeg qaybo ka mid ah heshiisyadii taxana ahaa si aad u fahanto halka wax ka khaldanyihiin iyo jawaabta wasaaradda.

    Dhammaad

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.