Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Puntland oo ka carootay warbixin UNDSS ka qortay Amniga deegaanadeeda
    Somalia

    Akhriso: Puntland oo ka carootay warbixin UNDSS ka qortay Amniga deegaanadeeda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 10, 2021Updated:May 10, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xukuumadda Puntland ayaa ka carootay warbixin ay Waaxda Badbaadada iyo Amniga ee Hay’adaha UN-ka ka qortay deegaanada Puntland, taas oo ay ku sheegtay in Amniga deegaanada Puntland uu halis yahay, sidoo kalena ay dalbatay in Amniga Gobalada Sool iyo Sanaag la hoos geeyo Somaliland.

    UNDSS ayaa qoraalkan oo ay u dirtay Xafiiska sare ee Qaramada Midoobay ku sheegtay in shaqaalaha Hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgalla deegaanada Puntland, gaar ahaan Gobalada Bari, Mudug iyo Nugaal ay ku sugan yihiin khatar weyn, sida beegsida Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, aanooyin qabiil, dhac iyo Afduub.

    Sidoo kale, UNDSS oo sheegtay inay xogtan ka xigatay Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxyadiin Gacmey iyo Taliyaha qeybta Gobalka ee Ciidanka ilaalada Hay’adaha caalamiga ee Puntland (SPU) Saxardiid Maxamed Axmed Colow, ayaa soo jeedisay in ilaalada Hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgalaya Gobalka Sanaag la hoos-geeyo Maamulka Somaliland.

    Akhriso Warbixinta UNDSS ay ka qortay Gobalka BariDownload
    Akhriso Warbixinta UNDSS ay ka qortay Gobalka MudugDownload

    Madaxtooyadda Puntland oo qoraalkan si hoose u heshay ayaa ka carootay warbixinta UNDSS. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Madaxtooyada Garoowe kula kulmay 6-May, Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland Guy Griffin, ayaana ka dalbaday inay UNDSS soo cadeyso xaqiiqooyinka ay ku saleysay warbixinteeda.

    Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa raalli-galin ka bixiyay warbixinta UNDSS, waxaana ay tilmaameen inay isbedel ku sameyn doonaan Ajtekin Aktash Sarkaalka UNDSS u qaabilsan heeganka, oo warbixinta diyaariyay.

    Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu xilka ka qaado Saxardiid Maxamed Colow, oo ah sarkaal hoggaamiya Ciidanka SPU ee ilaaliya Hay’adaha caalamiga, kana howlgalla Gobalka Bari.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.