Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: QM oo warbixin ka soo saartay dalka lagu sameeyo hubka Xuutiyiinta Yemen
    Somalia

    Akhriso: QM oo warbixin ka soo saartay dalka lagu sameeyo hubka Xuutiyiinta Yemen

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 1, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Jabhadda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa haysata hub lamid ah kan ay soo saarto dowladda Iran, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.

    Qaar ka mid ah hubka cusub ee ay fallaagadu heleen 2019 “waxay leeyihiin astaamo farsamo oo la mid ah hubka ay soo saarto Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran”, ayaa lagu yiri warbixinta uu soo uruuriyey guddi khubaro ah oo loo xilsaaray la socodka cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Yemen.
    Guddiga ma aysan sheegin in hubka si toos ah ay dowlada Iran ugu gacan gelisay Xuutiyiinta, waxayna Iran oo dhowr jeer oo hore beenisay inay hub dirto fallaagadaas.

    “Hubka iyo sidoo kale qaybo ganacsi ahaan la heli karo oo ka kooban qaar ka mid ah hubka, ayaa laga yaabaa in ay jabiyeen xayiraaddii” ayaa lagu yiri warbixintan.

    Colaadda Yemen waxay ka bilaabatay qabsashadii Sanca ee sanadkii 2014-kii, caasimadda Sanca ee mucaaradka Xuutiyiinta, waxay kaloo gacanta ku dhigeen inta badan waqooyiga wadanka.

    Bishii Maarso ee sanadkii 2015-kii, isbahaysi militeri oo uu horkacayay Sacuudiga iyo Imaaraatka oo ay taageerayaan Mareykanka ayaa soo farageliyay sidii loo soo celin lahaa dowladdii caalamku aqoonsanaa ee Madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Hadi, oo ay xoog ku saareen fallaagada Xuutiyiinta.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.