Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso:-Qorshaha looga saarayo Ciidamada Atmis Somaliya
    Somalia

    Akhriso:-Qorshaha looga saarayo Ciidamada Atmis Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 28, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Ammaanka QM ayaa Talaadadii lix bil cusbooneysiiyey ogolaanshaha joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, balse ansixiyey qorshe si tartiib ay uga baxayaan dalka illaa ay ka wada dhammaadaan.

    Ciidamada Midowga Afrika, oo mar horeba billaabay ka bixitaanka Soomaaliya, ayaa waxaa la siiyey illaa dhammaadka September, si ay dalka uga saaraan 3,000 oo askari oo kale oo dheeraad ah.

    Golaha Ammaanka ayaa bishii April ee 2022 ansixiyey in ciidamada AMISOM oo la aas-aasay 2007 lagu beddelo ciidamada ATMIS, oo la siiyey awood dheeraad ah oo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab.

    ATMIS oo ka kooban 19,000 oo askari iyo saraakiil boolis ah ayaa waxaa qasab ah in la yareeyo illaa laga geeyo 0 dhammaadka 2024, ayaga oo si tartiib ah awoodda ugu wareejinaya ciidamada Soomaaliya.

    Si waafaqsan qaraaradii hore ee Golaha Ammaanka, ATMIS ayaa billowday inay 2,000 oo askari ka saaraan Soomaaliya dhowr maalmood kahor, hanaankaas oo lasoo geba-gebeyn doono dhammaadka June.

    Bixitaanka “wuxuu ku dhow yahay geba-gebo” waxaa sidaas Talaadadii yiri safiir ku-xigeenka Soomaaliya ee QM Mohamed Rabi Yuusuf.

    Waxa uu intaas ku daray in dowladdiisa ay sameyn doonto “diyaar-garowga lagama maarmaanka u ah ayada oo kaashaneysa Midowga Afrika wejiga labaad ee bixitaanka 3,000 oo askari oo ATMIS ah oo dalka laga saarayo dhammaadka September.”

    Qaraarka ay ATMIS kusii joogayaan Soomaaliya illaa dhammaadka 2023 ayaa waxaa si aqlabiyad ah loo ansixiyey Talaadadii, waxaana uu tirada askarta howlgalka ka dhigayaa 14,626 laga billaabo 1-da October illaa 31-ka December.

    Golaha Ammaanka ayaa sheegay “inuu diyaar u yahay inuu dib u eego tiradan” kadib marka qiimeyn farsamo ay soo gudbiyaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika kahor 15-ka September, si gaar ahna u qiimeyn doono wejiga koowaad ee qorshaha yareynta, kadibna bixin doono “qorshe cad iyo jadwal” oo la xiriira inta harsan.

    Isaga oo xusaya “horumarka” Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda ku xiran Al-Qaacida, qaraarka Golaha Ammaanka ayaa “walaac xooggan ka muujiyey in kooxda Al-Shabaab ay weli halis ku tahay nabadda, ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka.”

    “Ma ahan inaan degn degno marka ay noqoto in howlgalka nabad-ilaalinta Afrika laga saaro Soomaaliya,” waxaa sidaas tiri Anna Evstigneeva oo ah safiir ku-xigeenka Ruushka. “Abuurista firaaq amni lama aqbali karo.”

    Dhinaca kale, isla kulanka ayey Soomaaliya mar kale ku codsatay in laga qaado cunaqabataynta hubka.

    “Cunaqabateynta qeybta ah ee hubka ee Qaramada Midoobay saartay Soomaaliya waxay caqabad ku tahay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay awood u yeelato inay si ku filan u hesho ciidamadeeda ammaanka si ay uga hortagto khatarta isa soo tareysa ee Al-Shabaab,” ayuu yiri Mohamed Rabi Yuusuf.

    Bishii November, Golaha Ammaanku wuxuu dib u cusboonaysiiyay cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saarnayd tan iyo 1992-kii. Cunaqabatayntan hadda ma khusayso keenista hubka lagu horumarinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

    Si kastaba, guddiga Qaramada Midoobay ee mas’uulka ka ah cunaqabateynta waa in lagu wargeliyaa keenista hubka noocaan ah, waxaana suurta-gal ah inay ka soo horjeestaan keenista hubka culus qaarkood.

    © AFP +VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.