Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Shirkii Jaraa’id Wasiirka Arrimaha Dibedda XF Soomaaliya
    Somalia

    Akhriso: Shirkii Jaraa’id Wasiirka Arrimaha Dibedda XF Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay  kulan maanta ka dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo uu la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

    Suudaan

    Wasiirka ayaa sheegay in kulanka looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka Suudan, waxaana uu sheegay in dhammaan Safiiradda ay isla garteen in la taageero heshiiskii dhawaan ay gaareen Golaha Milatariga Suudan iyo Kooxda Banaanbaxyadda wadda.

    Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay  dadaal badan ku bixin doonto Sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka Suudaan, islamarkaana Ururka Jaamacadda uu ku dadaali doono in dowlad buuxda laga dhiso dalka Suudaan.

    Arrimaha Guinea

    Wasiirka Cawad oo uu ku dheeraaday Sababtii dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dalka Guinea  waxaana uu sheegay in dowladdaasi ay si cad ugu xadgudubtay Soomaaliya Qaranimadda, islamarkaana qeyb ka mid ah Soomaaliya ay Casuumaad dal ahaan ah ay u fidiyeen.

    Waxaa uu sheegay in sababta ay arintaasi u gaareen ay tahay in  dal walba uu ixtiraamo Qaranimadeena.

    Waxaa uu xusay in goโ€™aanka xiriirka loogu jaray uu yahay mid laga baaran degay, islamarkaana Waqti badan laga fakiray.

    Waxaa uu sidoo kale qiray iney jiraan dalal dhowr ah oo maleegayo tallaabooyin ka dhan ah Madax banaanida dalkan, balse ay digniino dhowr ah u direen, wixii haatan ka dambeeyana aan wax dulqaad ah loo yeelan doonin.

    Soomaaliya iyo Somaliland

    Waxaa uu xusay Wasiir Axmed Ciise Cawad in dowadda Soomaaliya ay Somaliland u aaminsan tahay in ay ka mid ah tahay dhulka Soomaaliya, ayna jiri karin dowlad u sameyn karta Maqaamka dowladeed ee Soomaaliya oo kale.

    Wasiirka ayaa tilmaamay in Somaliland hormarkeena ay jecel yihiin laakiin uusan waxba ka badali karin in ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya oo cidii dowlad u aqoonsataa in jabisay Qaranimadda Soomaaliya iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.

    Safarka Raโ€™iisul Wasaaraha ee Galmudug.

    Waxaa uu ka hadlay Safarka Raโ€™iisul Wasaaraha Kheyre ee degaanada maamulka Galmudug, waxaana uu sheegay in guulo waa weyn laga soo hooyay oo Raโ€™iisul Wasaaraha uu booqday magaalooyin badan haddana uu booqon doono Magaalada Gaalkacyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.