Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Isgaarsiinta Soomaaliyeed ee Baydhabo (Sawirro)
    Somalia

    Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Isgaarsiinta Soomaaliyeed ee Baydhabo (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 15, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa Magaalada Baydhaba ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Ka faa’ideystayaasha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta kaas oo socday  intii u dhexeysay 13ka illaa 15ka Agoosto 2019ka.

    Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan si rasmi ah u furey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta waxaa soo xirey Guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

    Waxaa ka soo qeybgaley Wasirka Wasaaradda WBI&T, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan iyo Wasiir-dowlaha WBI&T, Mudane Xildh. Cabdullaahi Bile Nuur; Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee HirShabeelle, Mudane Xildh. Eng. Cabdiwali Sheekh Cali; Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koonfur Galbeed, Mudane Xildh. Mohamednuur Sheekh Cadde; Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska ee Puntland Mudane Cali Xassan Axmed ayaa waxaa looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomey shirkii wadatashiga ahaa ee ka qabsoomay Magaaladda Muqdisho intii u dhaxaysay 16-18, Abriil 2019.

    Shirkan oo muddo seddex maalmood ah ka socday Magaalada Baydhabo oo ay ka soo qeybgaleen sidoo kale Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Boostada, Isgaarsiinta ee heer federaal iyo heer Dawlad-goboleed, Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta, Bahda Waxbarashada sare, Jaamacadda Ummada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxa ay masuuliyiinta ka soo qeybgalay Shirka wada-tashiga isla meel-dhigeen qodobadan hoos ku xusan:

    1. Waxa ay uga mahadceliyeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee DFS kulankan wadatashiga ah iyo kii ka horeeyeyba waxa ayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah.

    2. Waxa ay bogaadiyeen shaqooyinkii qabsoomey intii u dhaxeysay labada shir weyne taasi oo la fuliyey shaqooyinkii lagu balamay badankooda inta harsanna ay socoto shaqadoodu iyada oo ay ka wada shaqaynayaan WBIT heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta iyo Bankiga Aduunku.

    3. Waxa ay soo dhaweeyeen sida quruxda badan ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadd heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed uga wada shaqeeyeen ka howl gelidda iyo dardar gelinta Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta wejigiisa Labaad iyo kan Sadexaad ee la rajaynayo.

    4. Waxa la isla qaatay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo ka faa’ideysashada mashruuca Cusub ee Dadaalka Geeska Afrika, kaasi oo war bixin ku saabsan goobta uu MTI ku soo bandhigey. Dhamaan kasoo qeyb galayaashuna ay soo dhaweeyeen mashruucaa laguna balamay in dhamaan ka faa’ideystayaasha kala duwan ay si mug leh uga qeyb qaataan.

    5. Waxaa la’isku raacay in shirka kan xiga lagu qabto magaala madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeella ee Jowhar.

    6. Waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah iyo waxyaabihii tiradda badnaa ee ay u qabteen dalka guud ahaan.

    7. Ugu danbeyn waxaa loo mahad celiyey Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u marti geliyeen shirkan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.