Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Wararkii ugu dambeeyay ee gurmadka Qardho
    Somalia

    Akhriso: Wararkii ugu dambeeyay ee gurmadka Qardho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 1, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    1: Ku dhawaad 800 oo Qoys ayaa maanta Dawlada Puntland ay gaarsiisay deeq raashin ah oo kala duwan. Dadka la gaarsiiyay ayaa u badnaa Dadkii ay roobabku saameeyeen.

    2: Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS ayaa galabta soo gaaray Magaalada Qardho, Caawana waxay kulan la yeesheen Madaxweynaha Puntland Dr Said Cabdilaahi Deni.

    3: Degmooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe ayaa maanta deeq soo gaarsiiyay Magaalada Qardho.

    4: Urur-Siyaaaadeedka Sinaan iyo Cadaalad ayaa deeq raashin ah oo ka kooban Bur, Bariis, Sonkor, Caano, iyo Timir oo loogu talagalay 730 Qoys soo gaarsiiyay Gudigga Gurmadka Qardho.

    5: Shaqaalaha iyo Ciidamada Madaxtooyadda Puntland ayaa deeq ay iska ururiyeen uga qayb-qaatay Gurmadka Qardho. Sida uu sheegay Agiisamaha Madaxtooyada Puntland Cabdiweli Timacadde.

    6: Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa beeniyay in lacago ka yimmi Xildhibaano, Wasiiro iyo Dad muxsiniin ah ay soo gaartay gudigooda.

    7: Puntland ayaa beenisay in deeqdii timmi Garoowe ee Wasiirada DFS ay waddeen ay dawlada dhexe ku deeqday, Waxayna sheegeen in Deeqdaas ay ka timmi UNCHR.

    8: Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in Shirkadda DP-World ay ugu deeqday Gurmadka Qardho 10kun oo dollar.

    9: Guddi hoosaadka Amnigga Iyo Hawlaha guud ayaa maanta maalinkii Afraad Olole Nadaafadeed ka sameeyay wadooyinka magaalada Qardho.

    10: Wasiirka maaliyadda Puntland ayaa sheegay in Dawladu ay qoondadeeda kaga qayb-qaadan doonto Gurmadka Qardho, Sidoo kalena ay dabiraysi hadda kharashaadka ugu badan ee baxaya.

    Mohamuud Nadiif Shire

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.