Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo beeniyay in fanaanka Gaarane uu ka tirsanaa ururkooda
    Somalia

    Al-Shabaab oo beeniyay in fanaanka Gaarane uu ka tirsanaa ururkooda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 22, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ururka Al-shabaab ayaa iska fogeeyay inuu ka tirsanaa Abshir Gaarane Axmed ururkooda, kadib markii hay’ada sirdoonka NISA ay shaacisay muuqaal laga soo duubay Gaarane oo uu ku sheegtay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab.

    Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa daabacday iyadoo xiganaysa sarkaal ka tirsan Al-shabaab in Abshir Gaarane Axmed uusan marnaba ka mid noqon Al-shabaab.

    Sarkaalka u hadlay Al-Shabaab ayaa ku eedeeyay dowlada federalka in ay hore dad badan oo rayid ah ay ku tilmaantay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab qaarkoodna xukuno lagu ridey.

    “Sirdoonka Soomaaliya waxaa ay caadeysatay inay been faafiso,waxaana ka mid ah beenta ay faafisay in dhowaan qaraxii ka dhacay ex koontarool Afgooye ay dal shisheeye uu ka dambeeyay dal shisheeye.”ayuu yiri sarkaalkan u hadlay Al-Shabaab.

    Muuqaal kooban oo la soo geliyay barta Twitter-ka NISA ayuu ka soo muuqday Abshir Gaarane oo qiranaya inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, waxaana uu sheegay inuu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2013, isla markaana u qaabilsanaa dhanka Macluumaadka iyo Maaliyadda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.