Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo dib u qabsatay Degaanka Dhanaane.
    Somalia

    Al-Shabaab oo dib u qabsatay Degaanka Dhanaane.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 18, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    DHANAANE (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaankaas, kadib markii shalay gelinkii dambe ay isaga baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo horay uga qabsaday.

    Baraha Internet-ka ee taageera Kooxda Al-Shabaab ayaa ay sheegeen inay dib ula wareegeen Dagaalamayaashooda deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha hoose oo ku yaalla dhinaca xeebta marka loo socdo degmada Marka.

    Sidoo kale, Dadka degaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay deegaanka Dhanaane ku sugan yihiin, isla markaana ay fariisin ka dhigteen goobihii ay ka baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

    Cuutada 12 April ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugnaa deegaanka Dhanaane, ayaa gebi ahaanba isaga baxay deegaankaas shalay gelinkii dambe, iyaga oo sheegay inay ka cabanayaan mushaar laโ€™aan soo wajahday mudooyinkii ugu dambeysay.

    War-Saxaafadeed si wadajir ah uga soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka uu ku socdo tirakoob, isla markaana ciidamada la tirakoobay ay mushaarkooda qaateen kuwa kalena lasiin doono markii la tirakoobo.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.