Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo dil toogasho ah ku fuliyay Saddex ruux
    Somalia

    Al-Shabaab oo dil toogasho ah ku fuliyay Saddex ruux

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 26, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa ay dil toogasho ah ku fuliyeen Saddex Ruux oo ay sheegeen inay la Shaqeynayeen dowladda Fedearalka ah ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah dalalka taageera Soomaaliya.

    Goobta ayaa waxaa ku sugnaa qaar kamid ah Shacabka degmada Kamsuuma,waxaana toogashada lagu fuliyey Saddex Ruux oo kala ah.

    1: Muuse Xuseen Siyaad oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka uu tababaray ee Bangaraafta,kaas oo ay sheegeen inay kasoo qabteen wadada u dhaxeysa Walanweyn & degmada Afgooye.

    2: Xuseen Max’med Cabdi Arsal oo ay Al-Shabaab ku sheegeen in uu katirsanaa Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland gaar ahaan kuwa Daraawiishta ee ka howlgala Baar Sanguuni.

    3: Falliir Yaroow Cali oo 75 sana jir ah kaas oo Shabaab sheegeen in uu la Shaqeynayey Ciidamada Kenya oo kamid ah AMISOM gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanka Hoosingoow ee Jubbada Hoose.

    Si kastaba Al-Shabaab ayaa horey waxaa ay dil toogasho ugu fuliyeen dad farabadan oo isugu jirey Rag iyo dumar,kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha taageera.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.