Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo la wareegtay Degaanka katirsan Gobalka Sanaag
    Somalia

    Al-Shabaab oo la wareegtay Degaanka katirsan Gobalka Sanaag

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 17, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka naga soo gaaraya Degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag ayaa sheegay in Maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab ay la wareegeen Degaanka Gacan-Maroodi oo hoostaga degmada Yubbe.

    Dagaalamayaashan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 70 dagaalllame, ayaa kasoo degay buuraleyda Calmadow ee Gobolka Sanaag, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay dhufeysyo dagaal ka sameysteen Degaanka Gacan-Maroodi oo ah mid istiraatiiji u ah isku xirka Gobalka, waxaana jirta cabsi laga qabo weerar ay ku qaadaan Degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag.

    Qabsashada Degaanka Gacan-Maroodi ee Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa kusoo aadeysay xilli Kooxdu ay jimcihii weerar kusoo qaaday Saldhiga Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee Degaanka Af-Urur ee Gobalka Bari, wallow ay dagaal adag kala kulantay Ciidanka Puntland oo dib uga celiyay Degaanka.

    Degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag oo qiyaastii 50-KM dhanka bari ka xigta Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobalka Sanaag, ayaa waxaa hadda gacanta ku haya Ciidanka Somaliland inkastoo Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ay dhinaca bari ka fadhiyaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.