Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Qarixii lala beegsaday Darawalkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
    Somalia

    Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Qarixii lala beegsaday Darawalkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 6, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax lala eegtay Gaashaanle Cabdicasiis Faarax Maxamed (Istakiin) oo ahaa Madaxa Saadka Ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta Gobolka Mudug.

    Qaraxan oo ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Gaashaanle C/casiis Istakiin ayaa xalay ka dhacay Xaafadda Siinay ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana kasoo gaaray dhaawac.

    Sarkaalkan oo dhaawaciisa lagu dabiibayo mid kamid Isbitaalada Gaalkacyo ayaa horey u soo noqday Darawalka Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd AUN Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

    Al-shabaab ayaa horey qarax ismiidaamin ah ugu dilay Taliyihii ciidanka isku dhafka Magaalada Gaalkacyo, Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye). 28i-dii bishii Abril sanadkii 2018, waxaana inti ka dambeysay Al-shabaab ay dilal iyo dhaawacyo u geysatay ciidanka isku dhafka, si ay meesha uga saarto jiritaanka ciiddankaas oo loo aas aasay xasilinta Magaalada Gaalkacyo iyo Miyiga Gobalka Mudug.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.