Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo sheegatay Qarax saaka lala beegsaday Ciidanka Gorgor
    Somalia

    Al-Shabaab oo sheegatay Qarax saaka lala beegsaday Ciidanka Gorgor

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 3, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qof sitay Jaakad qarax ku xiran yahay,ayaa isku qarxiyay dhalinyaro doonaysay in ay qortaan Ciidanka Gorgor.

    Afar Qof,ayaa dhaawacmay kaddib markii Nin sita jaakad walxo qarxa ay ku xiran yihiin uu isku qarxiyay meel aan sidaa uga fogeyn xerada tababarka Turkida ee TURKISOM ee Magaalada Muqdisho.

    Illo ku dhow-dhow Ciidanka,ayaa sheegay in qofka qaraxu ku xirnaa uu doonayay inuu dhex galo dhalinyaro saf ku jirtay si ay u qortaan Ciidanka Gorgor ka soo horjeedka Xerada TURKISOM, laakiin ay Ciidamada amaanku ka shakiyeen, deetana inta aanu soo gaarin dhaliyarada safka ku jirtay uu is qarxiyay.

    Afar kamid ahaa dhalinyaradii doonayay in ay ciidanka qortaan ayaa goobta ku dhaawacmay.

    Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa,ayaa qoraal ay soo dhigtay bar internet ku sheegtay in 32 ka tirsan dhalinyaradii Ciidanka qoranaysay ay halkaas ku dhinteen.

    Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay’addaha Amaanka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

    Ma jiro war madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.