Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay 5 Ruux.
    Somalia

    Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay 5 Ruux.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kooxda Al-Shabaab ayaa toogasho ka fuliyay fagaaro ku yaalla degaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana ay ku fuliyeen 5 Rag ah oo ay ku Eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha taageera.

    Goobta Al-Shabaab ay ku toogteen 5-ta ruux ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo Al-Shabaab ay ku amreen inay fagaarahaas tagaan si toogashada ay u daawadaan.

    5-ta  Ruux oo ay Al-Shabaab toogashada ku fuliyeen oo dhamaantood rag wada ah  ayaa waxaa ay Magacyadooda ku kala sheegeen.

    1: Maxamuud Bashiir Hilowle oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

    2: -Cabdi Xakiin Xuseen Cabdi Nuur oo ay ku eedeeyen in uu la Shaqeynayay Dowlad goboleedka Jubbaland.

    3: Cabdi Raxiim Axmed Yuusuf oo lagu eedeeyay in uu la Shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

    4: Isxaaq Cabdullaahi Xasanoow oo ay Al-Shabaab ku eedeeyaan in uu la Shaqeynayay Maamulka Koonfur Galbeed.

    Iyo Idiris Yuusuf dhallin oo lagu eedeeyay in uu la Shaqenayay Ciidamada Bangaraafta ee xoogga dalka Soomaaliyeed,kuwaas oo uu tababaray Mareykanka.

    Waa maalintii labaad oo xriir ah oo ay Al-Shabaab toogasho ku fuliyaan dad ay ku eedeynayaan inay la Shaqeeyaan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha taageera,waxaana maalin ka hor fagaaro ku yaalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose ay ku toogteen 5 Rag ah oo ay ku Eedeeyeen la Sahqeynta Dowladda iyo dalalka taageera.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.