Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Shaqaale katirsan UN-ka, gubtayna gaadiid
    Somalia

    Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Shaqaale katirsan UN-ka, gubtayna gaadiid

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 14, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro khasaaro geystay oo kala duwan saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

    Weerarka 1aad ayaa ka dhacay wadada u dhaxeeysa deegaanka Yunbis iyo Magalada Gaarisa,waxaana la sheegay in lala beegsaday Gawaari ay lahayeen Hay’adaha UN-ka ee ka howlgalla deegaannada Gobolka Waqooyi Bari.

    Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas,waxaana ay sheegeen inay ku gubeen mid ka mid ah Gawaarida UN-ka sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen laba Nin oo mid ka mid ah uu ahaa Darawalka Gaariga.

    Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Tuulada Sinow oo hoostagta  Magaalada Mandheera, waxaana weerarkas ay Shabaab sheegteen inay ku dileen Wiil iyo Aabihiis oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ka howlgasha Gobolka Waqooyi Bari.

    Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Kenya, kaas oo ku aadan Weeraadaan kala duwan ee saacadihii la soo dhaafay ka kala dhacay Magaalooyin ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, inta badan gobolkaasi weeraro ka fuliya Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.