Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Alshabaab oo sheegtay in ay qabsadeen Masaajidka Cali Guduud.
    Somalia

    Alshabaab oo sheegtay in ay qabsadeen Masaajidka Cali Guduud.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 26, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Al-Shabaab,ayaa subaxnimadii hore ee Saakay oo Arbaca ah weerar ku qaaday Saldhig ay Ciidamada DFS ku leeyihiin Deegaanka Masaajidka Cali Guduud ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

    Weerarka oo ku billowday Qarax kaddib rasaas xooggan,ayaa sababay iska horimaad xooggan.

    Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay,haddana Labada dhinac waxaa soo gaaray khasaare.

    Ciidamada DFS,ayaa iska caabiyay weerarka, iyadoo gurmadyo laga soo daabulay Degmada Cadale, halkaasoo uu hadda ku sugan yahay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

    Al-Shabaab,ayaa sheegtay in ay la wareegeen Gacan ku heynta deegaankaasi, balse ma jirto ilo madax banaan oo arrintaasi xaqiijinaya.

    DFS,ayaa wali sii wada howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda Shabeellada Dhexe.

    Haday dhabowdo 100% sheegashada AS in ay qabsadeen Masaajidka Cali Guduud,waxay Waji gabax ku tahay MW Xasan oo xoojinta dagaalka utagay Deegamadaas.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.