Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Amar culus oo lagu soo rogay Shirkadaha Isgaarsiinta ee Soomaaliya (Akhriso)
    Somalia

    Amar culus oo lagu soo rogay Shirkadaha Isgaarsiinta ee Soomaaliya (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 4, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa amar culus ku soo rogtay Shirkadaha Isgaarsiinta ka howl gala dalka, iyadoo ku amartay inay isku furaan khadadkooda Isgaarsiinta oo ah kuwo kala xiran oo aan is wici karin.

    Qoraal ka soo baxay Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa lagu sheegay in dhammaan shirkadaha isgaarsiinta dalka ka howlgala ay waajib ku tahay inay isku furaan khadadkooda taleefanada wicitaanka.

    Akhriso Qoraalka:-

    Iyada oo la dhaqan-gelinayo qodobka 49aad ee xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo iyo xeer-nidaamiyaha isku-xirka (interconnection regulation) ee faraya shirkadaha isgaarsiinta inay isku furaan khadadkooda (interconnection) maadaama ay tahay dan guud oo waajib ku ah dhammaan shirkadaha isgaarsiinta dalka ayaa waxaa shirkadaha haysta rukhsadda isgaarsiineed ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka la faray in ay billaabaan hannaankii ay isugu xirmi lahaayeen.

    Muddadda wada-xaajoodka oo ka bilaabanaysa 10ka Abriil 2019, kuna eg 10-ka August 2019 ayaa waxa ay Shirkadaha ka wada-xaajoon doonaan arrimaha khuseeya isku-xirka sida dhaqaalaha iyo farsamada, sida ay dhigayaan qodobada 50, 51, 52, 53 ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo Xeer-nidaamiyaha isku-xirka ee dhowaan la anisixiyey.

    Waxa aan rajeyneynaa in shirkaduhu tixgelin doonaan hadafka laga leeyahay arrintan oo ah dan guud sida uu dhigayo sharciga, kuna soo gabagabeyn doonaan wada-xaajoodkooda waqtiga loogu talo galay.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.