Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Amiir Turki al-Faysal ayaa hadlay sababtii ay Mareykan-ku badda ugu tuureen meydka Usaama Bin Laadin.
    Somalia

    Amiir Turki al-Faysal ayaa hadlay sababtii ay Mareykan-ku badda ugu tuureen meydka Usaama Bin Laadin.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 11, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Amiir Turki al-Faysal oo ahaa madaxii hore ee sirdoonka Sucuudiga, ayaa ka shifay sababta ku kalliftay Mareykanka iney badda ku tuuraan Meydkanka hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida Usaama Bin Laadin.

    Amiir Turki oo ka qeybgalay barnaamij dood ah ayaa waxaa wax la weydiiyey sababtii meydka bin Ladin loogu tuuray badda bedelkii dhulka lagu aasi lahaa, markaa waxa uu ku jawaabay amiirku: โ€œSida ay Mareykanku noo sheegeen ma aaney doonen inuu yeesho muuqaal astaan ah oo ay dadku siyaartaan ama shay dadka soo aadi karaan, haddii dhul goonni ah lagu aasi lahaa, waxaa dhici kartay in uu noqdo mid ay dadku soo booqdaan oo ay siyaartaan.โ€  

    Dhanka dilkii Usaaama bedelkii isagoo nool la qaban lahaa waxa uu ka yiri: โ€œArrintaa waxba kama oran karo, laakiin sida ay sheegeen markii ay qolka ugu galeen wuu hubeysnaa, sidaas ayaana lagu dilay.โ€

    Amiir Turki waxa uu tilmaamay in Mullaa Cumar, haggaamiyihii ugu sarreeyey Daalibaan 1998 ay dhowr jeer ka codsadeen inuu Usaama iska soo dhiibo oo uu Sucuudiga u gacan geliyo, xilligii boqorkii geeriyooday ee boqor Cabdallah bin Cabdil Casiis, laakiin Mullaa Cumar uu diiday inuu dhiibo Bin Laadin.

    Usama Bin Laadin ayaa la dilay 2011, isagoo ku sugan daafaha magaalada Aboot Abaad ee dalka Pakistan, howlgal ay fuliyeen ciidan si gaar ah u tababaran oo Mareykan ah.

    Markii la baaray DNA oo cidda uu yahay la hubiyay, ayaa meydkiisa lagu tuuray badda, duruuf sir badan ay ku hareeraysneyd oo aan la fahmi Karin, waa sida ay sheegeen Mareykanku.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.