Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»AMISOM oo qayb ciidankeeda kamid ah ka saaraysa Soomaaliya
    Somalia

    AMISOM oo qayb ciidankeeda kamid ah ka saaraysa Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 1, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliska ciidamada amni sugidda Midawga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM, ayaa shaaciyay go’aan uu 1,000 askari oo kamid ah ciidamadeeda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ay dalka ka saarayso bishan Febraayo ee aynu ku guda jirno.

    Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay AMISOM, waxaa go’aankan la fulin doonaa inta ka horaysa 28ka bishan.

    “Waxaa lagu heshiiyey in la fuliyo qorshahan lana saaro ciidamadan,” ayaa lagu yiri qoraal AMISOM ka soo baxay 31kii Janaanyo, 2020

    Guddiga go’aanka gaaray waxaa ay intaasi ku dareen in ay xukuumadda dalka ka caawin doonaan sugidda amniga dalka oo ay si wadi doonaan taageerada ciidan ee ay fidiyaan laamaha amaanka dalka.

    Heshiiska amni ee London ee 2017 waxaa lagu heshiiyey in sanad walba ay AMISOM 1,000 askari oo ciidankeeda ah ka saarto dalka iyo in dalka loo dhiso ciidan ka kooban 18,000 oo askari oo gacanta ku dhigi kara amniga dalka lana wareegi kara masuuliyadda amni sugid.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.