Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»AMISOM oo war kasoo saartay diyaaradii lagu burburiyay Bardaale
    Somalia

    AMISOM oo war kasoo saartay diyaaradii lagu burburiyay Bardaale

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 6, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    AMISOM oo war ka soo saartay diyaaraddii ku burburtay BardaaleWar saxaafadeed ay soo saartay AMISOM, ayey ku sheegtay inay soo dhawaynayso go’aanka ay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ku baarayaan diyaaraddii ku burburtay Bardaale, ee gobolka Baay, Soomaaliya.

    “Waxaan jeclaan lahayn inaan taageerahennii soo jireenka ahaa aan u muujinno dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana diyaar u nahay inaan ka caawinnno wax walba oo baaritaanka ujeedkiisa ah ee ku aadan dhacdadaan.” Ayuu yiri Madaxa Howlgalka ciidamada AMISOM, Francisco Madeira.

    Diyaarad sidday agab loogu talagalay ka hortagga coronavirus ayaa ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay, Soomaaliya. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta ay diyaaradda u burburtay, waxaa soo baxay warar sheegaya in lasoo riday.

    Lix qof oo diyaaradda saarneyd ayaa geeriyootay, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Salaad. Dadka dhintay waxay isugu jireen muwaadiniin Soomaali ah iyo kuwo reer Kenya ah.

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in uu madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo qoysaska dhibbanayaasha “u xaqiijiyay in ay billaabeen baaritaanka oo si rasmi ah ay u hoggaamineyso Wasaaradda Duulista Hawada”.

    “Madaxweynaha wuxuu sidoo kale soo dhoweynayaa dhammaan hay’adaha iyo dowladaha doonaya in ay ku soo biiraan baaritaanka”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay villa Somalia.”Waxay (dowladda) bixineysaa wada shaqeyn iyo taageero aan xadidneyn oo buuxda”.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay sare u qaadeyso badqabka diyaaradaha gargaarka iyo adeegyada aasaasiga ah ee xilligan lagu guda jiro saameynta ka dhalatay cudurka Covid-19.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.