Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»AMISOM oo xirtay Wasiirkii Gargaarka K.Galbeed iyo Gudoomiyihii Marka
    Somalia

    AMISOM oo xirtay Wasiirkii Gargaarka K.Galbeed iyo Gudoomiyihii Marka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 5, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada AMISOM ee Degan xero kutaala deegaanka Ceel Jaalle ayaa shalay u yeeray Wasiirka Gargaarka iyo Naafada Koofur Galbeed,Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose iyo Guddoomiyihii hore ee Magaaladaa Marka.

    AMISOM ayaa la sheegay in masuuliyiintan weydiiyeen halka ay ku dambeeyeen lacago gar gaar ah oo loogu tala galay dadka ay abaartu saameysay oo loo soo dhiibay, waxa ayna markii dambe u taxaabeen xabsi iyaga u gaar ah.

    Masuuliyiintan ayaa la sheegay in xalay ku hoydeen xabsiga ay maamulaan ciidamada AMISOM, waxaana la sheegay in ay ku socdaan baaritaano ku aadan lunsashada lacago gar gaar oo maamul Koonfur Galbeed ugu tala galeyn in loogu gurmado dadka abaartu saameysay.

    Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan wali ka hadlin xarigan la sheegay in ciidamada AMISOM u geesteen masuuliyiin katirsan mamaulkaasi, waxaana arimahan imaanayaan xili horey looga digay in la musuq maasuqo gar gaarka loogu tala galay dadka abaartu ay saameysay.

    Dhawaan dowladda Soomaaliya waxaa ay maamul goboleedyada ay u qeybisay lacag loogu tala galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen in la gaarsiiyo waxaana qaabkii lacagtaasi loo isctimaalay kasoo yeeray qeylo dhaano kala duwan oo ay jeedinayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.