Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Amnesty: Mareykanka Dad rayid ah ayuu duqeyn kula beegsaday Somalia
    Somalia

    Amnesty: Mareykanka Dad rayid ah ayuu duqeyn kula beegsaday Somalia

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 1, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa Mareykanka waxaa ay ku eedeysay in duqeymaha uu inta badan ka fuliyo deegaano kamid ah Soomaaliya ay waxyeelo kasoo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

    War ay soo saartay Hay’adda ayaa lagu sheegay in baaritaano ay sameeyeen lagu ogaaday in saddex qof oo rayid ah lagu diley weerarradii 18-kii Maarso ka dhacay Koonfurta Soomaaliya inay ahaayeen kuwo aan dambi lahayn, inkasta oo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay sheegeen in raggaasi ahaayeen xag-jiriin ka tirsan Al-Shabaab.

    Mareykanka ayaa kor u qaaday weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan “Drones” ka ka fuliyaan Soomaaliya sanadka 2019 ka, kuwaas oo ka dhan ah waxa uu ku sheegay inay yihiin dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, iyo Daacish oo ku sugan Soomaaliya.

    Laakiin Amnesty waxay sheegtay  in dadka rayidka ahi ay ka mid ahaayeen dadka dhintay, iyaga oo sheegtey in ay diiwaan galisay in ka badan dhowr iyo toban kiis oo dad aan waxba galabsan lagu dilay weerarada cirka ee Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya.

    Kooxda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ayaa sheegtay in AFRICOM aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo lagu taageerayo qiimeyntooda seddexda nin ee lagu dilay duqeyntii Mareykanka ka fuliyay 18-kii Maarso koonfurta Soomaaliya inay ahaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

    Warbixin ay soo saartay hay’adda Amnesty International ayaa sidoo kale lagu sheegay in C / llaahi Xasan oo ah cilmi-baare Soomaaliya u qaabilsan Amnesty uu sheegay in Mareykanka uu u muuqdo mid aan ogeyn cidda duqeymaha cirka ah ka geysata Soomaaliya.

    Ugu dambeyn Amnesty waxay sheegtay inay wareysi la yeelatay 11 qof oo goobjoog ka ahaa weerarkii 18-kii Maarso, oo ay ku jiraan kuwa la shaqeeya iyo qoyska ragga la dilay markii gaarigooda lagu dhuftay gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay u cadeeyeen in Eheladooda aysan xiriir la laheyn Al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.