Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Aqalka Sare oo baaq ku aadan Xaalada Beledweyn u diray Xukuumadda.
    Somalia

    Aqalka Sare oo baaq ku aadan Xaalada Beledweyn u diray Xukuumadda.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 26, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Axmed Maxamuud ayaa Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah wax uga qabato dhibaatooyinka heysta Shacabka Magaalada Beledweyne.

    Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xukuumada Soomaaliya ay indhaha ka fiirsato dadka uu ku fatahay Wabiga ee ku dhibaateysan duleedka Magaalada Beledweyne.

    Bukhaari ayaa soo saaray baaq ku aadan Xaaladda Beledweyne waxaana uu u qornaa sidaan:

    Waxaan aad uga welwelsanahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee fatahaadda webiga Shabeelle uu gaarsiiyey dadka iyo degaanka magalaada Beledweyne.

    Waxaan ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedka HirShabeelle, Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda Federaalka, Hay’adaha Gargaarka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in ay gurmad degdeg ah la gaaraan dadka iyo deegaanka magaalada Beledweyne.

    Sida ku cad Sharci Lr.17 ee soo baxay 27/06/2016 laguna dhisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, waxaa ku waajib ku ah hay’adda in ay si degdeg ah uga jawaabto musiibooyinka dabiiciga ah marka ay dhacaan iyada oo sii diyaarinaysa qorsheyaal looga hortagayo laguna maaraynayo musiibooyinkaas.

    Hay’addu waxa ay hoos tagtaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka sida uu xeeriyay Qod.1aad (6) ee sharciga kor ku xusan. Sidoo kale, hay’addu waxa ay ku shaqaynaysaa siyaasadda ay jaangoyso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.7aad ee Sharciga hay’ada lagu dhisay.

    Qod.99aad (e) iyo (f) ee Dastuurka KMG ah wuxuu ku waajibinayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ADEEGA GUUD ee dadka Soomaaliyeed iyada oo dejineysa qorsheyaal lagu horumarinayo Dalka isla markaasna hirgelineysa shuruucda Dalka oo uu ka mid yahay sharciga kor ku xusan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.