Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Aqalka Sare oo baaq ku aadan Xaalada Beledweyn u diray Xukuumadda.
    Somalia

    Aqalka Sare oo baaq ku aadan Xaalada Beledweyn u diray Xukuumadda.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 26, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Axmed Maxamuud ayaa Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah wax uga qabato dhibaatooyinka heysta Shacabka Magaalada Beledweyne.

    Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xukuumada Soomaaliya ay indhaha ka fiirsato dadka uu ku fatahay Wabiga ee ku dhibaateysan duleedka Magaalada Beledweyne.

    Bukhaari ayaa soo saaray baaq ku aadan Xaaladda Beledweyne waxaana uu u qornaa sidaan:

    Waxaan aad uga welwelsanahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee fatahaadda webiga Shabeelle uu gaarsiiyey dadka iyo degaanka magalaada Beledweyne.

    Waxaan ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedka HirShabeelle, Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda Federaalka, Hay’adaha Gargaarka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in ay gurmad degdeg ah la gaaraan dadka iyo deegaanka magaalada Beledweyne.

    Sida ku cad Sharci Lr.17 ee soo baxay 27/06/2016 laguna dhisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, waxaa ku waajib ku ah hay’adda in ay si degdeg ah uga jawaabto musiibooyinka dabiiciga ah marka ay dhacaan iyada oo sii diyaarinaysa qorsheyaal looga hortagayo laguna maaraynayo musiibooyinkaas.

    Hay’addu waxa ay hoos tagtaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka sida uu xeeriyay Qod.1aad (6) ee sharciga kor ku xusan. Sidoo kale, hay’addu waxa ay ku shaqaynaysaa siyaasadda ay jaangoyso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.7aad ee Sharciga hay’ada lagu dhisay.

    Qod.99aad (e) iyo (f) ee Dastuurka KMG ah wuxuu ku waajibinayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ADEEGA GUUD ee dadka Soomaaliyeed iyada oo dejineysa qorsheyaal lagu horumarinayo Dalka isla markaasna hirgelineysa shuruucda Dalka oo uu ka mid yahay sharciga kor ku xusan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.