Dibadbaxyada ay dhigayaan ardayda Dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho ayaa ku fidey meello badan oo magaalada ah, waxaana daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa uu yahay mid dhallinyaro hor leh ay kusoo biirayaan.
Ardayda ayaa ku baaqay in shaqada degdeg looga ceyriyo wasiir C/laahi Goodax Barre oo ay sheegeen in aanu xilkaasi u qalmin.
โDooni meyno Goodax Barre, waa in Raโiisul wasaaraha shaqada uu ka eryaaโ sidaasi waxaa yiri qaar ka mid ah ardayda dibadbaxyada dhigaya.
Isku socodkii gaadiidka magaalada Muqdisho ayaa hakad ku jira, waxaana meelaha qaar laga maqlayaa rasaas ay ridayaan askar ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
