Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Arimaha Soomaaliland Helkay ku Biyo Shuban Doonaan?
    Somalia

    Arimaha Soomaaliland Helkay ku Biyo Shuban Doonaan?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 22, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maalmahan soosocda waxaan dhowr maqaal oo taxane Afsomali ah idin kula qaybsan doonaa qadiyada balaadhan iyo dooddaha ku xeeran qadiyada Somaliland. Arimaha aan qaadaa dhigi doono waxa ka mid ah:

    1. Soomaaliland ma iyada oo dal gaar ah oo ictraaf leh ayey Soomaliya ku biirtay?
    2. Ma waxaa jiray, sida Axmed Samatar idaacadaha ka yidhaa, 40 dal in ka badan oo aqoonsay Somaliland June 1960, mise waa sheeko baraley?
    3. Isu taga labadda waxood goormuu dhacay, haduu dhacayse Soomaaliland halkay ku dambeysay?
    4. Fakirka ah in Soomaaliland ka go’do Soomaali Republic ma wax uu curtay 1988 mise fakirkaas mudo dheer ayuu jiray?
    5. Aduunku sideebuu u maarayn karaa arinta huracan ee banjartay.

    Arimahaas iyo xeeladaha taariikheed ee ku weegaaran ayaan isku dayi doonaa si taariikhi iyo political ecconomy ah bal in aan ifiyo.

    Maanta wafdi Itoobiyaan ah ayaa ergo ahaan Hargeysa u yimid.

    Arintani in Itoobiya soo dhexgasho, maanta uu R/W Abiy gacanta ku hayo ugu ma horeyso. Xiliyadii 1950hii markii Somaaliya xoroobi rabtay Boqor Xayle Selaase waxa uu geed gaaban iyo ku dheerba u fuulay in uu is-hortaago xornimadii xiligaas muuqatay.

    Xoogagii wadaniga markuu caabin kariwaayey, waxa uu isku dayey in uu AUN Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal qalbigiisa badalo. Bilihii ka horeeyey June 1960, Xayle Selassie waxa uu dowr jeer Addis Ababa ugu yeedhay AUN Cigaal.

    Dagaalkii dhexmaray labada beelood ee Soomaaliyeed ee Sacad Muuse iyo Arab (1960hii) waxa dabka shidayey hal dhinacna hubka siinaaysey Itoobiya.

    Sikastaba ha ahaateeb1994, xiligii Meles Itoobiya Madexweynaha ka ahaa, faraha ayuu aad ugula jiray arinta Soomaaliya. Inkasta uu odhan jiray midnimada Soomaaliya ayaan jeclahay, hadana hoosta wuu ka duraayey.

    AUN Abdimajiid Xuseen, oo aad Meles ugu dhawaa, ayaa 1994 wargeys la odhan jiray Qandhi Afriq (Horn Africa) u sheegay in AUN Cigaal Males u soo jeediyey hindisaha ah in uu Soomaaliland la mideeyo Itoobiya (Xiligaas maqaal ayaan arintan ku aadan ku daabacay The Ethiopian Review Magazine).

    Arintaas Meles waa u qushuucy. Laakiin waxa uu ku jawaabay sidan: Madexweyne waxaan midobaynaa – waa Itoobiya iyo Soomaaliya- marka Soomaali nabadowdo eed mid noqotaan.

    Tolow barnaamijka hada R/W Abiy iyo M/W Farmaajo wadaan makii xiliyadii 1994tii AUN Cigal hindisee Melesna balaadhiyey baa?

    La arki doone! Sikastaba ha ahaatee, qadiyada Soomaaliland weli ma dhowa.

    Waxaanayse inaba ka fursanayn wadda hadal taariikh ku dhisan oo Soomaali iyadu si gaar ah u wada hadasho.

    Waa Bilaahi Towfiq

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.