Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Askar u dhalatay Uganda oo isku dhex dishay Muqdisho
    Somalia

    Askar u dhalatay Uganda oo isku dhex dishay Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 13, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Askar ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay maalintii Sabtida ee la soo dhafaay isku dileen Xarunta Dhexe ee Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin Garoonka Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.

    Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada guud ee Askartaas is-toogtay, iyadoo wararka Loo-qaateenka ah muujinayso inay is-dileen 2 ilaa 4 Askar u dhalatay dalka Uganda.

    Taliska Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM  ayaa baaraya dhacdadaasi, iyadoo mid ka mid ah Askartooda loo soo daad-gureeyey Somalia uu toogasho ku dilay  Sarkaal ka tirsan Maamulkiisa, ka hor inta uusan Askariga is-dilin.

    Ilo-wareed ku sugan magaalladda Muqdisho waxay mar sii horreysay u sheegeen Wargeyska Maalinlaha ee The Monitor ee ka soo baxa caasimadda Uganda ee Kampala in Askariga dilka geystay uu ka carooday Sarkaalka Horjoogaha ama Kormeeraha u ahaa, iyadoo tirada guud ee Askarta lagu dilay shilkii dhacay maalintii Sabtida ay gaarayaan 4 Askari oo u dhashay dalka Uganda.

    โ€œWeli ma cadda waxa sababay dilka, waxaana doonaynaa inaan ogaano haddii Askariga dilka geystay uu ahaa shaqsi waalan iyo in kaleโ€ ayuu yiri Afhayeenka AMISOM oo khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska Maalinlaha ee Daily Monitor.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.