Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Askarigii ugu horeeyay ee ku eedeysan dilka darawal Mooto Bajaaj oo xukun dil lagu riday
    Somalia

    Askarigii ugu horeeyay ee ku eedeysan dilka darawal Mooto Bajaaj oo xukun dil lagu riday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa xukun dil ah ku riday Askarigii ugu horeeyay ee ku eedeysan dilka Darawal Mooto Bajaaj,  kaasi oo darawalka ku dilay Muqdisho.

    Eedeysanaha la xukumay ayaa lagu magacaabaa Dable Boolis Cali Maxamuud Axmed oo 8-dii bishan ku dilay agagaarka Tarabuunka Darawal Mooto bajaajle oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Yuusuf Guure, halka uu dhaawacay Cali Xaashi Mataan oo sarifle ah.

    Kiiska askarigaan ayaa muddooyinkii dambe waxaa dhageysigiisa ay ka socotay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya, waxaana ugu dambeyn maanta lagu dhawaaqay xukunka Askariga.

    Maxkamadda ayaa sheegtay eedeysanaha la xukumay inuu haysto Racfaan uu ka qaadan karo kiiska.

    Waa Askarigii ugu horeeyay ee ku eedeysan dilka darawal Mooto Bajaaj, iyadoo dhawr mar dilal ka dhacay Muqdisho ay gaysteen askar, balse aanan la soo taagin maxkamad.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.