Author: Jibril Qoobey.

Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland ayaa saaka xarunta dhexe kula qaatay kulan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo Diimoqraadiyada Puntland Maxamed Cabdirixmaan Dhabancad. Guddiga iyo Wasiirku waxa ay ka wada hadleen sidii loo dar dar galin lahaa geedi-socodka diimuqraadiyada, loona dhamaystiri lahaa shaqada ka dhiman dhamaystirka doorashooyinkii sadexda degmo Qardho, Eyl iyo Ufeyn ka dhacday 25/10/2021. Wasiirku waxa uu ballan qaaday in laga bilaabo asbuucaan la bilaabayo shaqada dardar galinta doorashooyinkii sadexda degmo. Guddiga ayaa dhawaan bilaabi doona kulamadii wada-tashiga ee daneeyayaasha geedi socodka hanaanka axsaabta badan ee Puntland.

Read More

Ciidamada Booliiska Gobolka Bari,ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Gaari lagu soo qariyay Hub iyo saanad sharci-darro ah. Gaarigan lagu qabtay Hubka,ayaa la sheegay in noociisu yahay Iska-rogo Ciid waday. Talisku waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaan ku aadan hubkan sida uu kusoo galay magaalada? halka loowaday? Iyo Cida mulkiyadeeda lahayd? Xogo amaan oo khatar tilmaamaya,ayaa kasoo baxayay Bosaso Maalmahan.

Read More

Koox hubeysan ayaa isku dayday inay disho Ra’iisul Wasaaraha dalka Haiti, Ariel Henry, xilli uu ka qayb galayay munaasabadda sanad guuradii kasoo wareegtay markii uu waddankaas qaatay xornimadiisa, sida ay booliska sheegeen. Falkan lagu beegsaday Mr Henry ayaa ka dhacay kaniisad ku taalla magaalada Waqooyiga-bari xigta ee Gonaïves. Muuqaal lagu shaaciyay internet-ka ayaa lagu arkayay ra’iisul wasaaraha iyo ilaaladiisa oo cagahooda uga baxsanaya goobta, iyagoo ku ordaya goobta ay gawaarida u yaalleen. Mr Henry iyo shakhsiyaadka kasoo baxsaday goobtaas ayaa soo orday iyadoo ay socotay rasaas aad u culus, sida muuqaalka lagu arkay. Xaaladda amni ee waddanka Haiti ayaa aad…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble oo ay wehliyaan Madaxweynayaasha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka,ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka. Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay ka go’n tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo doorashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha kale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya.

Read More

Shirka Wadatashiga Qaran uma muuqdo mid guulaysan doona hadaan tanaasul meel dhexe ah imaan. Ajandaha horyaala,waa mid adag oo dhinacyadu ay ku kala fog yihiin. Arimaha miiska saaran,waxaa ka mid ah… 1.Goob Doorashooyinka oo lasoo koobo. 2.Ergada oo la yareeyo. 3.Amniga Dalka oo si buuxda loogu wareejiyo Rooble. 4.Cayimida mudada Doorashada ay kusoo gabagaboobayso. Dad badan,ayaa qabay in Farmaajo ku faraxsanaa sida Doorashadu usocotay,Rooblana isaga uu adeegayo. Waxaase wax walba isbadaleen markii la arkay Farmaajo oo inqilaab qaawan kusoo qaaday Rooble iyo awoodiisii. Haatan arimaha Shirka horyaala Farmaajo sinaba uma aqbali karo,waxuuna adeegsanayaa Qoor-qoor iyo Laftagareen oo isku arka in…

Read More

Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerar la aaminsan yahay in kooxdaa Al-shabaab ay maanta ka geysatay gobolka xeebta ah ee Lamu ee dalka Kenya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Kenya. Weerarkan ayaa sidoo kale lagu gubay guryo, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP. “Waxaan xaqiijinayaa in weerar lagu tuhmayo Al-Shabaab lagu soo qaaday halka loo yaqaano Widhuu, waxaana ku dhintay lix qof. Mid waa la toogtay, sidoo kale waxaa la gubay kuwa kale” ayuu yiri Guddoomiyaha Lamu Irungu Macharia. “Ciidamadeenna amniga ayaa ku daba jira, waxaana ka codsaneynaa dadka deegaanka in ay gacan nagu siiyaan,…

Read More

Karaasha tagidiisa Saaxo-Maygaag ee Maanta wax macno ah masoo kordhinayso,sababtoo ah shalay ayay ahayd intaan xaaladu gacanta ka bixin in laga hor tago. Saakay Madaxda tagayaa waxoodu waa dhoolatus waliba soo daahay. Cajiib,waxaa ah Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo kii Amniga in aan lahayn ilaa iyo hada. Cida doorka leh waa Dhaqanka labada Beelood ee arinkan ha hakameeyaan. Maanta,waxaa ku baxay Deegaankii colaadu ka dhacday shalay Waxgarad iyo Siyaasiyiin door ah oo ay ugu horeeyaan Masuuliyiinta Dowlada.

Read More

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa saaka shirkoodii asbuuclaha ahaa ugu hadlay dardargalinta shaqada Guddiga iyo sii socodsiinta geedi socodka hanaanka Axsaabta badan ee Puntland. Kulankan oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha KMG ah ee TPEC Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sidoo kale looga hadlay qorshe howleedka Guddiga ee sanadkan cusub. Shalay,ayay uscasileen Gudoomiyihii iyo ku xigeenkii Gudiga Doorashada. Dad badan,ayaa u arka in Gudigu uusan sii shaqayn karin ama macno sii yeelan karin markii la qiimeeyo caqabadaha waa weyn ee hor istaagay.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa Guddoomiyay shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho. ShirKaas,ayaa diiradda lagu saarayaa arimo ay ka mid yihiin…. 1.Amniga 2.Dardargelinta doorashooyinka 3.Daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS. Shirka waxaa ka qaybgalaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaga Gobolka Banaadir. Waxaa la filayaa in uu soo gabagaboobo maalmaha soo socda.

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyadoo ka xun iscasilaadda Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee Puntland (TPEC), waxay Ummadda Puntland, guud ahaan Soomaali iyo Daneeyaasha Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntlandba u caddeynaysaa in Geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland uu yahay hadaf ku dhisan heshiis bulsho, Dowladda Puntlandna u idmantahay ka guul gaarista hirgelintiisa. Sidaa darteed, iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka ma ahan mid saameynaysa ka go’naashaha dadka iyo Dowladda Puntland in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay Guddoomiye Guuleed Saalax, Kuxigeenkiisa Jaama iyo dhammaan Xubnaha Guddigaba uga mahad celinaysaa…

Read More

Colaada Saax-Maygaag,waxaa toos uga danbeeya Aaran-Shaydaan. Waa mida koobaade waxay Maanta hor istaageen oo Ciidan hor dhigeen Gurmad usocday Beelaha Maxamed Ugaar. Waa Mida Labaade wax gurmad ah oo iyagu ay direen majirto haday Ciidan noqon lahayd ama Saad. Aaran-Shaydaan,iyagaa Dowlada haysta mana kala dhexgelin Beelihii diriray umana cadaalad falin oo dhanka Maxamed Ugaar ayay Gacmaha ku dhegeen,iyagoo ku gabanaya colaadaan xakamaynaynaa balse hawl kale wata. Maxamed Ugaar,waxaa laysku yiraahdaa Jifooyinka Reer Faarax iyo Reer Yoonis ee Abokor Ciise Maxamuud,waxaana ka dhashay Abshir Cumar Huruuse oo khatar ku ah Aaran-Shaydaan kana mid ah Siyaasiyiinta miisaanka leh ee Ururka Mideeye. Maxamed…

Read More

Colaada sokeeye ee Saaxa Maygaag waa nasiibdaro xaqiiqdii laga xumaado. Beesha Majeerteen waa in ay qabataa Beelaha Maxamed Ugaar si deg-deg ah. Sidoo kale Beesha Dhulbahante waa in ay qabataa Beelaha Ugaasyada. Waa in aan lala kala safan oo lagu dhexgalaa wax walba oo la samayn karo. Waa colaad aan wax macno ah oo ku dhex jirtaa aysan jirin. Dagaalka Maanta,waxaa ku dhintay dhanka Maxamed Ugaarka 12 -Nin iyo dhaawac 14-Nin ah,waxaa kaloo aan lahayn Geeridooda ilaa 11-Nin. Dhanka Ugaasyada,waxaa ka dhintay 8-Nin,waxaana ka dhaawacmay 12-Nin. Tuuladii dagaalku kacayna,waxaa ku awood roonaaday Ugaasyada Galabta Warar aan la xaqiijin karin,ayaa sheegaya…

Read More

Waxaa hadda Decale Hotel ee Magaalada muqdisho shir uga socda Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseyn Rooble iyo sedex Madaxweyne Dowlad Goboleed oo kala ah Galmudug,Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle. Sedexdaan Maamul iyo Ra’iisul Wasaaraha wada hadalkooda kaddib waxaa kusoo biiraya Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha jubbaland oo hadda jooga Hotel aan sidaasi uga fogeyn meesha shirku kasocdo. Berrito,ayaa laga yaabaa inuu furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran madaxda Dowlad Goboleedyada ka hor furmida shirka banaanka ayey kusoo wada hadlaayaan.

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa Sabtidii shalay ahayd ka jartay dalalka Itoobiya, Mali iyo Guinea barnaamij ganacsi oo canshuur dhaaf ah oo loo sameeyo wax soosaarka waddamada Afrika ee ka hooseeya saxaraha. Tallaabadan ayaa daba socotay hanjabaaddii madaxweyne Joe Biden ee ahayd inuu sidaasi sameynayo eedeymaha ku saabsan xadgudubyada xuquuqul insaanka iyo afgambiyadii dhawaa awgood. Warbixin ay arrintaasi ka qortay wakaaladda wararka ee Reuters waxaa inoo koobeysa Caasho Ibrahim Aden.

Read More

Markale,waxay reer Puntland ubaahan yihiin in dib u eegis lagu sameeyo Xeerarka Dastuuriga ah. Caasimada Qodobkeeda waa mid mudan in dib loo eego,iyadoo la tixgelinayo dhawr arimood oo muhiim u ah sii jiritaankooda danbe….. 1.Wax wada lahaanshahooda. 2.Midnimadooda iyo isku xirnaantooda. 3.Maamul daadajintooda. 4.Horumar gaarsiinta dhamaan Deegaamadooda. 5.Kor usoo qaadida wacyiga Bulshadooda. Hadaba,iyadoo Qodobadaa laga duulayo,waxaan qabaa in dib u eegis lagu sameeyo Qodobka Dastuuriga ah ee Caasimada. Qodobkaas oo hada dhigaya in Caasimada Puntland ay tahay Garowe oo kaliya in lagu daro ilaa Sadex magaalo oo kale oo Caasimadaha Puntland la noqda. Caasimad walbana in la siiyo mudo xileed…

Read More

Waa u cadayd in nidaamka Dinuqraadiyaynta Puntland uusan sii soconayn cidii xog ogaal u ahayd sida wax usocdeen. Markii horeba Deni kaliyaa daacad ka ahaa hirgelinta nidaamkan Dimuqraadiyaynta. Guuleed oo ahaa Gudoomiyihii shaqada hogaaminayay si cad buu usheegi jiray waxa uu ka shaqaynayo in aysan sax ahayn oo taraga Beeshiisa uu hor istaag ku noqonayo mar ay noqotona uu iskaga hari doono. Guuleed laba ujeedo,ayuu kalahaa noqoshada Gudoomiyaha Gudiga Doorashada,kuwaas oo kala ah… B.In uu sumcad ku samaysto oo isku gado. 2.In uu dhaqaale ka sameeyo. Guuleed,waxaa la xaqiijinayaa ugu yaraan in uu kala haray Doorashadii 3-da Degmo 300$-kun.. Waxaa…

Read More

Saaka waxaan ugudbiyay Xubnaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland warqad aan ku bannaynayo jagada Guddoomiyanimo ee Guddiga, sidoo kale isla saaka waxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka la wadaagay warqad aan isaga casilayo xubinimaddii Guddiga ee aan kusoo shaqaynayay muddo 2 sano iyo bar ah. Waxaan qorshaynayay inaan qayb kasii ahaado shaqada adag ee Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddigu u hayaan bulshada reer Puntland, laakiin duruurfo iga hor yimid dartood waxaan goostay inaan banneeyo booska. Aniga oo ku kalsoon aqoonta, khibradda, kartida iyo iskuduubnaanta Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, waxaan ALLE idankiis hubaa in shaqada qaybta harsan ay si habsami leh…

Read More

Iskudaygii ugu fiicnaa abid ee ay Puntland samayso ayuu ahaa Barnaamijkan oo si qurux leh dhowaan looga qabtay saddex degmo oo hordhac. Wuxuu ahaa isku day ay Puntland ku heshay magac iyo miisaan weyn, gudiguna ku kasbaday kalsooni, madax bannaani iyo xirfad lagu wada qancay. Hannaankan oo 23 sano ay sugaysay Puntland ayaa hadda noqday mashruuc aan mudada dhow kalsooni dame cidi ku qabi doonin inuu markale dhaqaaqo. Guddoomiye Guuleed Saalax wuxuu sheegay inay ka horyimaadeen duruufo adag oo aan u suurtogelinayn inuu shaqada sii wado. Taas waxa keli ah oo loo fahmay Dawladda oo Barnaamijkan aysan ka go’nayn. Joogsashada…

Read More

BAYAANKA QURBA-JOOGTA DAL-UDUG BAAQII I-aad Annaga oo ku hadlayna magaca wax-garadka Dal-udug ee qurbaha ku dhaqan, waxaan ka xunnahay dagaalkii labada cisho socdey ee ka dhacay magaalada Boosaaso. Dagaalkaasi oo bilowdey 21-12-2021 wuxuu geystey khasaaro xooggan oo isugu jira mood iyo nool. Intii ku dhimatayna Allaha u naxariisto, intii ku dhaawacantayna Allaha u booga-dhayo. Dagaalku wuxuu ahaa mid laga baaqsan karey marka la’eego goorta uu dhacay, goobta uu ka dhacay, sababta loo aaneeyey in uu ku dhacay iyo ciidamada leyska hor-keeney. Waxaanu ka digeynaa tala-xumida ceynkaas ah in ay markale soo noqoto. Sida la ogsoon yahay, dagaalka waxaa isaga hor…

Read More

Waftigii ka koobnaa Madaxweynayaashii Hore ee Puntland, Gudoomiyaha barlamanka Puntland, RW hore cumar Candirashid ayaa booqasho salaan ah ugu tagey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam iyo wafti ay hogaaminayeen oo Bosaso u jooga xalinta khilaafaadkii ka dhashey xiisadii PSF.

Read More

Inta la xaqiijiyay lix ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay in ka badan 15 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka socda tuulada Saax-maygaag. Dagaalka labada dhinac ayaa ku salaysan muran ka taagan degaamaynta Saax-maygaag iyo Senga-jebiye oo u dhexeeya degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo tuulada Birta dheer oo ka tirsan Gobolka Nugaal. Dagaalka oo bilowday subaxnimadii hore ee saaka ayaa weli halkaas ka socda waxaana wararka qaar sheegayaan in khasaaruhu intaas ka badanyahay. Sidoo kale lama soo werin cid waan-waan ka dhex wadda labada dhinac oo marar kala duwan ku dagaallamay degaankaas Saax-maygaag.

Read More

Dhamaan Ciidamada PSF galabta waxay wada qaateen Mushaarkooda oo buuxa. Askari walba oo PSF ah,waxaa udhacday 350-dolar oo Mushahaar ah iyo 6-dolar oo habeen dhax ah. Halka Ciidamada Badda oo Mushahaarkii laga hakiyay ay Wasaarada Maaliyadu baadigoobayso Lacag Dayn ah oo ay wax kusii furdaamiso. Hogaaminta Deni ee ku tiirsan talada Aaran-Shaydaan halkaas ayay Puntland ku furtay.

Read More

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii qarax loo adeegsaday gaari noociisu ahaa kuwa raaxda uu ka dhacay meel u dhow Isgoyska Baar-Ubax ee magaalada Muqdiho, sida ay qortay wakaaladda wararka ee SONNA. Najiib Cabdi Abiib Najiib Carab, taliyaha Ciidanka Booliska saldhigga Dagmada Howlwadaag oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in qofka dhintay uu ahaa wadihii gaarigaas oo la aaminsanyahay inuu is qarxiyay. Waxa uu sheegay in gaarigan uu xoog ku soo jiiray bar koontorool oo ay ciidanka amnigu ku leeyihiin agagaarka Carwa’idka, kadibna uu is qarxiyay. Ma jirto…

Read More

Iyadoo Maanta usoo saaray Wasiirka Amniga Amar Ciidamada Sirdoonka Nisa Gudaha Garoonka Aadan-cade,ayuu caawa soo raaciyay kuwa ay yihiin in ay ka baxaan Garoonka. “Isbedelka laxiriira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde wuxuu quseeyaa oo kaliya Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal ka)’Ayuu yiri Wasiir Cabdulaahi. Isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu yiri”Ma quseeyo Ciidamada gacanta ku haya Baraha Koontoroolada ee laga galo Garoonka Aadan Cadde”. Bulshada caadiga iyo Siyaasiyiinta,ayaa soo dhaweeyay go’aanka Wasiirka Amniga uu kaga saaray Nisa Gudaha Garoonka. Caqabad ayay ku ahaayeen Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada xiligeedu dhamaaday ee Farmaajo.

Read More

Ciyaal reer Xamarka marka ay maagayaan qof reer Gobol ah waxay dhahaan:Wallaahi waa kaa dhex baxaa, teetaha ayaan kuu dhigaa, ilkaha ayaa ku soconee kolka ay arkaan inay xaalladdu xuntahay oo dagaalku dhab noqdo waxay dhahaan:Xariif raalli noqo nooh, caadi iska dhig, waan ku kululaysanaayay Lee. Balse nasiib darro xaalladdu waxay xuntahay marka qofka aad kululaynayso aanu kulaba wadayn.Waxay sii darantahay kolka uu ka soo jeedo Mudug. Kicin – tanaasul iyo ila heshiisiiya waa falaadWaxaan diyaar u nahay in dalka dib loogu celiyo sharciga iyo kala dabaynta iyadoo ay doorkooda qaadanayaan haayadaha maadhaydka haysta. Wasiir Dubbe.

Read More

Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27-December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda Wasiiradaan ayaa kala ah. 1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye. 2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha. 3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada. 4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud. 5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.

Read More

Dowlada Imaaraadka Carabta,ayaa hakisay dhaqaalihii ay siin jirtay Ciidamada Badda Puntland. Hakintan,ayay Imaaraadku ku sababeeyeen diidmo ay diidanaayeen dagaalkii Bosaso. Imaaraadku waxuu codsaday wada xajood danbe oo ay ka wada yeeshaan Puntland arimaha Ciidamada Badda. Laba qaybood oo ka mid ah Sadexda qaybood ee Ciidanka Badda,ayaa dagaalkii ceebaysnaa ee Dowladu ku fashilantay galay. Dagaalkaas,waxaa Ciidanka Badda uga dhintay 28-Askari,waxaana ku dhaawacmay 40-kale,3-Gaarina waa looga gubay. Ilaa iyo hada wax fasiraad ah looma hayo sababta Ciidamada Difaaca Puntland layskugu jabiyay.

Read More

Saan tilmaamay Madaxweyne Faroole waa haldoor,waxaana kuu xaqiijinaya sida uu uhadlay Maanta. “Dadka wax xukuma isku dabeecad mahan,isku dulqaadna mahan,isku taariikhna ma’ahan”Ayuu yiri Faroole. Markale waxuu yiri”Awrka Rarooyga ah ee Caruurta iyo Maxastu kuu saaran tahay haduu Buubo UL iyo Daasad lalama dabogalo ee waa la qabtaa la fariisiyaa si uusan Caruurta kaaga layn” Dhamaan hadaladiisu waa xigmad Deni toos utaabanaysa ama fariimo si dadban loogu diray Deni iyo kooxdiisa ku adeegata ee Aaran-Shaydaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ciidamada Nisa oo Amar lagu siiyay in ay faraha kala baxaan amaanka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan-cade. Nisa,waxaa loo sheegay in ay Ciidamadeeda kala baxdo garoonka Aadan-cade. Sidoo kale Booliska Somalited,ayaa la siiyay awooda buuxda ee sugida amaanka Garoonka. Waa mid ka mid ah awoodaha xulufada Farmaajo oo la rujiyay. Wasiirka Amniga,ayaa soo saaray Wareegtadan.

Read More

Si walba uu uyahay Nin hadal xun oo dabeecad qalafsan kana duula aragtiyo guracan meel hoosana ka laangoosta hadana waa Nin Aaran-Shaydaan ka maqaam sareeya. Waa fahmi karnaa in ay isku dayaan hor istaaga Seneteralnimadiisa mar labaad,sababtoo ah waa Nin xog ka haya oo ogaa markii ugu horaysay ee ay isticmaalaan Taleefoonka Laabsaalaxa ay uyaqaanaan ee Smart Phone-ka. Faroole waa Ninka kaliya ee dhibaatadii ka dhacday Bosaso kasoo gurmaday oo khalad iyo saxba wax ku darsaday. Waa Ninka Labaad Beeshii balaarnayd ee Ciise Maxamuud ee ka hadla dhacdadii foosha xumayd ee Bosaso. Faroole,waxuu muujiyay dareen damqasho,waxuuna ubareeray in uu arinkaas…

Read More

Odoyaashan waxay muujiyeen dadaal fiican oo waxtar leh. Ilaa iyo hada kulamadii hordhaca ahaa ayay wadaan. Sida la filayo arinka,waxaa galaya Isimada oo ay kaabayaan Gaas,Cumar iyo Faroole. 6-dii Isin ee hore oo lagu daray Labada Isin ee Mudug iyo Sanaag,ayaa hawsha si rasmi ah ugu fariisanaya Labada Maalmood ee soo socota. Waxaa laysla qaatay in aan arinkan loo gacangelin Siyaasiyiinta ee loo daayo Isimada lana Kabo. Khilaafka PSF xalintiisu meel wacan ayay maraysaa.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen,ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka kulan kula qaatay Ra’isul wasarihii hore ee Dalka Xasan Cali Kheyre. Laftagareen la kulankiisa deg-dega ah ee Khayre,waxay xoojinaysaa Xantii ahayd Qorshaha Labaad ee Qatar ku hawlgalayso 2022-2025 waa Khayre. Waa fariin muujinaysa in laga guuray Farmaajo oo afgarad u ah cid walba oo xulufadooda ka mid ah. Qatar waxay aad uga fogaatay hab dhaqanka Farmaajo,sida xoguhu xaqiijinayaan.

Read More

Madaxweynaha K/Galbeed,ayaa soo gaaray magaaalada Muqdisho, si uu uga qayb galo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee uu shaaciyay RW Rooble dibad joogana uu ka yahay Farmaajo. Madaxweynaya Maamulka K/Galbeed horay,ayuu u qaadacay ka qayb galka shirkan. Balse cadaadis uga yimid dhanka Beesha Caalamka,ayaa sababay in uu badalo mowqifkiisa iskana soo xaadiriyo Xamar. Waa talaabo dhabarjab ku ah Farmaajo iyo xulufadiisii.

Read More

Guurtida Beelaha Cali Saleebaan,ayaa Maanta Qado sharaf u samaysay weftiga Boosaaso u yimid Nabadeynta. Qado sharafta,waxa kasoo qeyb-galay Ra’isul wasaarihii hore ee JFS, Cumar Cabdirashid, Madaxweyneyaashii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynihii hore Puntland Senetor Cabdiraxmaan Maxamed Faroole,Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Xubno ka mid ah Goleyaasha Dawladda. Si isdaba joog ah ayay Beelaha Bari martiqaad ugu samaynayeen wafuuda utagtay Bosaso Nabadaynta.

Read More

Waxaa maanta Qeybta Booliska Gobolka Mudug lagu soo bandhigay Qaar kamida noocyada Hubka oo lagu soo qab-qabtay Howlgalada Laamaha Amniga Gobolka Mudug ay sameeyeen Munaasibadan waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur,Gudoomiye ku xigeenka Gobolka, Gudoomiyaha Degmada, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka mudug Muumin Cabdishire Gudoomiyayaasha Maxkamada Darajada 1aad iyo Racfaan, Xeerl ilaalinta, Taliyaha Saldhiga dhexe, Agaasimaha Warfafinta Gobolka, Saraakiil iyo Culimo, Hubkaan oo isugu jiray Qoryaha Fudud, Kuwa garabka laga rido iyo Bambooyin ayaa lagu qabtay Howlada la dagaalanka maandooriyaha iyo Tuugada Dhaca Bulshada.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa caawa Muqdisho kula kulmay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam iyagoo ka wada hadlay qabanqaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ugu danbayn Ilmo Diyaano waa aqbaleen in ay hor fariistaan waftigii oo uu ku jiro Faroole. Wiilashu waa ka cawdeen Faroole,waxayna ku doodeen ilaa Aabahood rabi ha’unaxariistee in uu colaad ku hayay. Dowladii uu hogaaminayay Faroole,waxay kusoo duntay Ciidan,midan uu talada ku leeyahay ee ay ku shaqaystaan kooxdiisii Aaran-shaydaan sidii oo kale ayay ku dhaqaaqday. Dood socotay maalmihii lasoo dhaafay,waxay aqbaleen Wiilashu in ay la kulmaan waftigii uu ku jiro Faroole. Halka Madaxweyne Faroole talo qaatay isdabciyay oo uu Wiilasha niyad wanaag umuujiyay Waftiga shaqadiisii in uu qabsado,waxaa ku noqotay caqabad la socoshada Faroole oo inta badan Bulshada reer Bari…

Read More

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa uga digay dhiggiisa Mareykanka Joe Biden in cunaqabateynta cusub ee la xiriirta arrimaha Ukraine lagu soo rogo dalkiisa haddii ay dhacdana ay horseedi karto burbur buuxa oo ku yimaada xiriirka labada dal. Isagoo taleefoon kula xiriiray goor dambe oo ahayd Khamiistii, ayuu madaxweynaha Ruushka wuxuu dhiggiisa u sheegay in cunaqabateyn cusub ay noqon doonto “khalad weyn”. oo la galay. Mr Biden ayaa dhanka kale u sheegay Mr Putin in Mareykanka iyo xulafadiisa ay jawaab adag ka bixin doonaan duulaan kasta oo lagu qaado Ukraine. Wicitaankan oo uu dalbaday Ruushka ayaa ahaa kii labaad ee labada…

Read More

Ustaad Cabdikadir Sa’id Jaamac oo ka tirsan Macalimiinta Jaamacada Bariga Africa, ahna Agaasimaha Guud ee Hayada tababarada amaanka iyo sharciyada Puntland,ayaa tababar u qabtay Ardayda Jaamacada Bariga Africa,gaar ahaan kuliyada Security Studies. Tababarka,ayaa ku saabsanaa sida ay u wada shaqeeyaan laamaha Booliska iyo Garsoorka. Tababarka waxaa furay taliye ku xigeenka guud Ee C.I.D Puntland G/Sare Abshir Xuseen Siciid. Ardayda,ayaa booqatay Laamaha Saldhigyada Garowe iyo Taliska Guud.

Read More

Antony Blinken ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta khadka telefoonka kula hadlay maalintii Talaadada ee isbuucan. Inta uu socday wadasheekeysigooda, Blinken waxa uu carrabka ku adkeeyay in Mareykanku uu si buuxda u taageerayo dadaallada dhexdhexaadinta ah ee ay wadaan Uhuru Kenyatta iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo. Bayaan uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Ned Price, ayuu ku sheegay in wadahadalka telefoonka ee madaxweynaha iyo Wasiirka gebi ahaantiisba lagu gorfeeyay arrimaha amniga gobolka iyo danaha guud, oo ay ku jiraan xaaladaha Itoobiya iyo Soomaaliya. “Dhanka Itoobiya, waxay isku waafaqeen in si…

Read More

Waxaa si habsami leh u socda dhismaha jembiga labaad ee Dekedda Garacad. Shubka la dhigayo jembiga oo ka soo bilowday gunta hoose ee badda ayaa biyaha banaanka uga soo baxay. Jembiga labaad ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo bilaha soo socda. Horay,waxaa loo dhamaystiray Janbigii 1-aad Dekeda oo ay kusoo xiran karaan Maraakiibta qaada 10-ka Kun ee Tan. Garacad waxay noqon doontaa mid ka mid ah Dekedaha ugu balaaran Geeska Afrika oo Ganacsato Maxali ah Maalgashatay.

Read More

Dhamaan Golihii Wasiirada,waa kasoo qaybgaleen Shirka,waxayna si aqlabiyad leh iskugu raaceen canbaaraynta Afgenbigii dhicisoobay. Wasiiradii lagu xamanayay in ay ugu dhow yihiin Farmaajo,ayaa qayb ka ahaa canbaaraynta Inqilaabka,waxayna garab umuujiyeen Rooble. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa Guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo lagu cambaareeyay isku daygii Afgambi ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Xarunta Golaha Wasiirradda. Shirka,waxaa kaloo lagu taageeray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan doorashooyinka. Sidoo kale,waxaa lagu ansixiyay Xisaabxirka Miisaaniyaddii 2020. Golaha,ayaa ka mahad celiyay taageerada Shacabka Somaliyed iyo Beesha caalamka ee Xukuumadda iyo hoggaaminta Ra’iisul Wasaaraha ee arrimaha doorashooyinka.

Read More

Dagaal u dhaxeeya ciidan uu wato sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo Hirshabeele ka soo horjeeda iyo Gudoomiyaha Hiiraan ayaa Baladweyne ka socda. Dagaalku waxuu ku fiday xaafada Cilmi Loos, dhimasho iyo dhaawacna waa laga soo sheegayaa. la soco waxii kasoo kordha.

Read More

Madaxweyniyeyaashii hore ee Puntland Faroale iyo Gaas oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Yuusuf,ayaa hoygiisa ku booqdey Boqor Burhaan Boqor Muuse. Waftiga Madsxweynayaasha iyo Boqorka,ayaa kawada hadlay xalinta khilaafka hogaanka PSF. Dhanka kale Madaxweyne Faroole,ayaa ka bixiyay raaligelin hadalkii Gefka ahaa ee uu Isimada umarsiiyay BBC-da. “Boqor waa kasoo hoyday hadalkaas,waxaana tihiin Isimadaydii oo aan xushmad iyo qadarin uhayo”Ayuu yiri Madaxweyne Faroole. Faroole oo waraysi siinayay BBC-da,isagoo ka hadlaya dagaalkii Bosaso,ayuu Isimadii go’aanka kasoo saaray Bosaso ku tilmaamay in ay Baasiin kusii shubeen xaalada. Sida wararka laga helayo Bosaso ay xaqiijinayaan…

Read More

Sharma Boy ayaa sanadkan hantay abaalmarinta fannaanka soo baxaya ee sanadka 2021-ka – dhanka waddankiisa – kaddib markii uu fannaaniin kale oo Afrika kasoo jeeda uga adkaaday tartan sanadle ah oo ka dhacay dalka Mareykanka. Abaalmarintan oo lagu magacaabo “African Entertainment Awards USA”(Billadaha Madadaalada Afrika ee Mareykanka) ama AEAUSA ayaa munaasabaddeeda lagu qabtay magaalada gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka. Magacyada musharraxiinta u tartamayay billadaha heerarka kala duwan ayaa la shaaciyay 1-dii bishii November ee sanadkan 2021-ka. Sharma oo matalayay Soomaaliya ayaa kaalinta koowaad ka galay billadda fannaanka Afrika ee ugu wanaagsan hobalada kasoo ifbaxaya waddankiisa. ~ BBC

Read More

Laftagareen,waxuu imaanayaa Muqdisho oo uga qaybgalayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu horay udiiday ka qaybgalkiisa. Madaxweyne Lafta-gareen,waxaa la hadashay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee. Laftagareen oo horay usoo saaray Warqad diidma ah,ayaa cadaadis Marsykanka aegiis wax ka badalay go’aankiisii.

Read More