Author: Jibril Qoobey.

Codsi kaga yimid Dowladda Soomaaliya awgiis, ayay Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay xirtay xarunteeda halwgallada rakaabka (ee loo yaqaano MOVCON) ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, laga billaabo 24ka Diseembar 2021. Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya uga shaqeysaa iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee labada geesoodka ah ee la xiriira ee ay saxiixeen hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Heshiiska Xuquuqda iyo Xasaanadaha Qaramada Midoobay. Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada…

Read More

Musharrax gaar ah lagama aqbalayo in uu doorashada ku takri falo. War saxaafadeed Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay qoraalka saaka aroortii kasoo baxay Xafiiska Madaxwaynaha. Qoraalkaas waxa uu ahaa mid si ku talo-gal ah uu Madaxwaynuhu ugu carqaladaynayo hannaanka Doorashada Dalka oo maraya marxalad aad xasaasi u ah. Sida ka muuqata waqtiga lagu soo beegay qoraalkan oo ah xilli loo balansanyahay Kulanka Golaha wadatashiga Qaranka oo la doonayo in lagu dardargaliyo howlaha Doorashooyinka, iyo ilaalinta hufnaanta doorashada, waa qorshe uu Madaxwaynuhu ku doonayo in uu uga hortago kulanka Golaha taas…

Read More

FARMAAJO OO AFGEMBIYEY VILLA SOMALIA 21 SANO OO DAWLAD-DHIS AH KA DIB Waxaa xalay 26/12/21 saqdii dhexe Maxamed Cabdullaahi Farmajo soo saaray wareegtadii 1-aad ee Afgembiga oo uu ku laalayo heshiiskii iyo Hannaankii Doorashooyinka Soomaaliya iyo RW Rooble labadaba, taas oo ahayd waxa keli ah oo xilligan heshiis lagu yahay. Waxaa si buuxda u istaagay Hannaankii Dastuuriga iyo Dawlad-dhiska Soomaaliya ee ka soo bilowday CARTA 2000-2017, waxaana bilowday bog cusub oo Taariikhdu MAGAC GAAR AH u bixin doonto. Maanta waxaa keli ah oo jira FARMAJO oo muddo-xileedkiisu dhamaaday sannad kahor oo VILLA SOMALIA dhex fadhiya iyo Dawlad-goboleedyo badankoodu kala aragti…

Read More

Inqilaabka Farmaajo waa nabar la filaayey naxdin ma laha, waxaanse u baahannahay in aan isla garanno shantaan qodob; 1- In uusan Farmaajo dalka Madaxweyne ka ahayn, 10 bilna uu xafiiska sharci darro ku fadhiyo, ayna tahay in uu ka soo baxo Villa Somalia. 2- Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu shiri jiryay, Farmaajana shaqo kuma lahayn shirkooda. 3- Sixitaanka iyo socodsiinta doorashada waa hawl madasha uu Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamiyo u taalla. 4- Muddo xileedkii Golayaasha Dawladda wuu dhamaaday, Aqalka Sare waa la soo doortay, Golaha Shacabka ayaa dhiman, Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodad xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo…

Read More

BAAQ KU SAABSAN DHAB-U-JIHEYNTA DOORASHOOYINKA Diseembar 26, 2021. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo; Markuu dib u eegay Xeerkii Madaxweyne ee uu ku magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble taas oo lagu faray in uu dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda doorasho nabdoon; Markuu arkay heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo uu Barlamaanka labadiisa Aqal ansixiyay, Madaxweynuhuna uu kusoo saaray Sharciga Lam. 30 (Law No. 30), Markuu arkay habraacyadii hirgelinta doorashooyinka iyo xeerarkii lagu dhisay guddiyada heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo…

Read More

Magacyada sgaqsiyaadka loo wado Kuraasta Aqalka-hoose ee Baarlamaanka Fadaraalka lagu dhawaaqay doorashadooda ee Jubaland. 1.HOP#217 Hassan Abdi ismaaciil (Hassan Firinbi). 2.Hop#203 Hamze Abdi Bare Gudoomiyahii Doorashada. 3.Hop#082 Abdirashid Jire Qalinle,Wasiirka Madaxtooyada Jubbaland. 4.Hop#028 Cabdinuur Cali aadan. 5.Hop#134 Sahra Jaamac Ali (Sahra Qoorsheel). 6.Hop#113 Maryan Aweis Jamac (Wasiiradda Gaadiidka Vadda) 7.Hop#136 Omar Yusuf Galadiid. 8.HOP#072 Cabdirashiid Maxamed Xidig. 9.HOP#219 Rooda Carab (Jinni Boqor) ama Koojaar.

Read More

Hoos ka dhagayso hadalka hadal haynta xooga leh dhaliyay ee uu bixiyay Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole. Waraysigan,ayuu Faroole BBC-da siiyay Maalmo kahor,waxuuna uga hadlay dagaalkii Bosaso. Faroole,ayaa sheegay in Isimadiii Lixda ahaa ee soo saaray go’aamada ay uga dareen Xaalka Bosaso. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Boqorka iyo Isimadii kaleba,waa dhibsadeen hadalkii Madaxweyne Faroole uu BBC-da siiyay markii uu ka hadlayay dagaalkii Bosaso. Haldoorka Bulshada Puntland,ayaa qaba in uu Madaxweyne Faroole ka bixiyo raaligelin buuxda hadalkaas. Hadalka Faroole,ayaa ahaa mid toos loogu weeraray Isimada,isagoona ku tilmaamay in ay iyagu baasiin kusii shubeen xaalada oo go’aankoodii keenay dagaalka. Madaxweyne Deni,ayaa go’aankaas Isimada dhankiisa soo dhaweeyay sheegayna in uu tixgelinayo oo uu ahaa mid wax lagu badbaadinayay. Halkan ka daawo Muuqaalka Boqorka

Read More

“Waxaan aaminsanahay in Ra’iisulwasaaraha iyo madaxda dowlad-goboleedyadu wax badan qabteen,doorashada dadban iyadaaba muran ku dhisan,heshiiskii 17-Septemper waan saxiixay meel buuna yaallaa wuxuu ahaa mid laga fakaray waa in la iska ilaaliyaa in wax lag baddalo,” Ayuu yiri Farmaajo. Bishan 27-keeda,ayaa waxa qorshaysan in Muqdisho uu ka dhaco Shir ay iskugu imaanayaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo looga arinsanayo Doorashada iyo habsami usocodkeeda,waxaana warar hordhaca oo soo baxayaa sheegayaan in lasoo yarayn doono goob Doorashooyinka laguna soo koobi dooni hal Magaalo. Farmaajo,ayaa aad udhibsanaya wax ka badal lagu sameeyo heshiiskii 17-Sep. Sida muuqata maalmahan,waxaa jira kala fogaansho soo kala dhexgalay Farmaajo…

Read More

Shirkii Jaraaid ee isimadu qabteen Galabta. 1-Waxay sheegeen In ay ka xun Yihiin Dhacdadii Foosha xumayd ee ka Dhacday Magalada Bosaso maalmihii Lasoo Dhaafay. 2- Waxay Soo dhoweyeen una Mahad celiyeen Go’aan kii madaxweynaha Dowlada Puntland Uu ka qaatay Arintii Dhacday. 3-Waxay Ku Baqeen in Magalada lagu soo laabto dadkuna Isdejiyaan oo Guryohooda kusoo Laabtaan. 4-Waxay ku Baaqeen In Loo Gurmado Dadkii ka Barakacay Magalada iyo Dadkii Waxyeeladu Gaartay Dhamaantoodba. 5-In khasarihii ka dhacay Magalada la baaro dhinacnackasta oo Ay tahayba. 6-Maadaama Ciidamada Dowlada Madaxweynuhu Amray in ay Goobo Hooda Jogaan Anagana Waxaan Amraynaa In ciidama kale Ay Meelohoodii Ku…

Read More

Gudiga Doorashooyinka ayaa hadda xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gudigaasi Maxamed Cirro. 18 xubnood ayaa fadhiyay, 15 ayaa ogolaatay in xilka laga qaado, sadaxna waa ay ka hortimid. Waxaa lagu eedeeyey xil-gudasho la’aan iyo inuu horay u wadi waayay socodsiinta doorashada. Go’aanka loo cuskaday xil ka xayuubinta iyo eedaymihii loo jeediyay Guddoomiyihii hore ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka (FEIT) Maxamed Xasan Cirro,ayaa sida tan udhignaa.

Read More

Garoowe: 25 December 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan gaar ah iyo Qado sharaf u sameeyay Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar Mudane Cabdiraxmaan Faroole, Ra’iisalwasaarihii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Kulanka oo ahaa is xogwareysi waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar Mudane Cabdiraxmaan Faroole, Ra’iisalwasaarihii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda. Waxaa ka warbixiyay Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Yuusuf Dabaraani. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo Mudug ka yimid,qaybna ka noqon doona xalka PSF,ayaa soo gaaray Garowe goor dhawayd. Suldaan Siciid iyo Islaan Bashiir ,ayaa hogaamin doona dhaqanka Qaybta ka noqon doona dhamaynta arinka PSF. Shaqadu si wacan ayay usocotaa oo hawsha PSF Dhaqanka iyo Siyaasiga Puntland ee miisaanka leh uma kala harayaan.

Read More

Waftigii Nayrobi oo aad ubalaaran isaguna goor hore,ayuu yimid,waxuuna ugudbay Madaxtooyada. Hada waxaa kulan gaar ah kuwada jira Madaxweyne Deni iyo Madaxdii hore. Saakay 7-Subaxnimo ayay Nayrobi kasoo duuleen. Waftiga,waxaa hogaaminaya Madaxdii hore,waxuuna ka kooban yahay… 1.RW Cumar Cabdirashiid. 2.Madaxweyne Faroole. 3.Madaxweyne Gaas. 4.Xildhibaan Dhaashane. 5.Xildhibaan Shaaciye. 6.Xildhibaan hore Shiike. 7.Siyaasi Salwe 8.Talya hore Saacid Shaqadu si wacan ayay usocotaa oo hawsha PSF Dhaqanka iyo Siyaasiga Puntland ee miisaanka leh uma kala harayaan.

Read More

Ujeeddo: Shaacinta Guddiga Xulista Ergooyinka. Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SIT waxay halkan kusoo gudbinayaan Guddiyada. Xulista Ergooyinka kuraasta 6-da ah ee aan shaacinay 23/12/2021 kuwaasoo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan Dawlad Goboleedka Jubaland.

Read More

Beri 7-Subaxnimo ayay Nayrobi kasoo duulayaan waftiga dhamayn doona xaajada PSF. Waftiga,waxaa hogaaminaya Madaxdii hore,waxuuna ka kooban yahay… 1.RW Cumar Cabdirashiid. 2.Madaxweyne Faroole. 3.Madaxweyne Gaas. 4.Xildhibaan Dhaashane. 5.Xildhibaan Shaaciye. Garowe ayay kusoo hormari doonaan si ay ula kulmaan Dowlada,kadibna waxay usii gudbi doonaan Bosaso. Hawsha PSF waa soo gabagaboobaysaa hadii rabo idmo.

Read More

Guddigii loo saaray baarista aflagaaddadii uu Taliyaha Ciidamada Badda u geystay RW Rooble ayaa gaaray go’aano aad uga nixiyey Farmaajo iyo Odowaa oo hadda cadaadis ku haya guddigaas! Xubnaha Guddigaan oo ka koobnaa Shan Generaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga ee Dalka, ayaa isku raacay in Falka uu ku kacay Taliyaha Ciidanka Badda uu ahaa:- Mid baalmarsan Anshaxa Ciidanka.waxa ay soo jeediyeen in xilka laga qaado Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed sida ku cad war ku taariqeysan XTCC/2084/12/21 taas oo loo diray Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Odawaa yuusuf Raage taas oo ku sheegay in aanay waxba ka jirin hadalkii dacaayadda ahaa…

Read More

Madaxweyne Deni khudbad taariikhiya,ayuu jeediyay,waana hadlay hadii hadal waxtarayo. Waxii dhacay dareen xun buu ka muujiyay,waxuuna soo jeediyay in xalay dhalay laga noqdo oo hada laga wada shaqeeyo Nabada iyo Midnimada. Waxuu amar ku bixiyay in Ciidamadu aysan Xabad ridi karin xataa hadii lasoo weeraro. Waxuu amar ku bixiyay in beri dib loo furo Xarumaha Dowlada oo dhan ee Magaalada Bosaso. Madaxweynuhu,waxuu soo dhaweeyay Isimada,haldoorka iyo Siyaasiyiinta horay uga hadlay uguna istaagay dhacdada Bosaso,waxuuna ku booriyay in ay sii laba jibaaraan. Waxuu si gaar ah uxusay Boqor Burhaan oo uu sheegay in uu aqoonsan yahay oo uu Boqorkiisa yahay. Go’aamadii…

Read More

Cilmi baarist uu diyaariyay Jey Bahadur oo ku saabsan kalluumeysiga sharci darrada ah ee Somaliya,ayaa lagu daabacay @GI_TOC’s Risk Bulletin #22. Wsrbxintan waxa ay faah faahin ka bixisay dhaq-dhaqaaqyada maraakiibta Liao Dong Yu, oo ah raxan Maraakiibta Jariifka ah ee Shiinaha kuwaas oo ka dhacayay biyaha Waqooyiga Somaliya ilaa horraantii 2020-ka. Warbixintan,waxaa Udub dhexaad u ah Daahir Ayaanle oo ka mid ah Seneterada dhawaan la doortay ee Puntland ku matali doona Dowlada Fadaraalka. Daahir waa Ganscsade Saami qayb ka ah Ganacsi balaaran oo ay wada leeyihiin Madaxweyne Deni. Waxaa kaloo jira Maraakiib door ah oo kuwa warbixintu sheegtay ah in…

Read More

Cumar Cabdirashiid iyo Gaas,ayuu la hadlay Madaxweyne Deni oo ka codsaday in ay yimaadaan oo qayb ka qaataan xalinta arinka Bosaso. Sida aan xogta ku helay isku duubni ayay Siyaasiyiinta iyo Isimadu uwada galayaan arinka PSF ee Bosaso. Balse Deni wuxuu rabaa inuu isimada meesha ka saaro,lkn Cumar iyo Cabdiweli waa fahansan yihiin muhimadda Isimada u leeyihiin Puntland. Waa talaabo bogaadin mudan oo uu Madaxweynuhu sameeyay in uu haldoorka miisaanka leh arinka ugacan geliyo.

Read More

PSF waxay si buuxda ubilaabeen uqaybinta Biyo iyo Raashin Shacabka caadiga ah ee Bosaso. Ciidamada oo wata Gaadiidkooda dagaal oo Raashin iyo Biyo sifaysan ay ka buuxaan ,ayaa Xaafadaha Magaalada wareegaya. Shacabka oo markii horeba Sxb dhow la ahaa Ciidamada PSF,ayaa talaabadan Deeqsinimada iyo damiirka wanaagsan ah uriyaaqay. Bosaso baahi kama jirto,balse barakac,ayaa dhacay Qof walba Ganacsigiisii iyo Gurigiisii ka saaray. Madaxweyne Deni waxaan leenahay Bosaso dagaal kale ma qaadi karto ee dib udag!!

Read More

Madaxweyne Deni waxa uu Urursanayaa Wasiirada Istaafyadooda iyo Tiknikadooda mar 4-aad,ayuuna rabaa in uu dagaal rido. Maxamuud Shido,ayaa kula talinaya in uu markale gacan qaado oo waxuu leeyahay markan waa jiiri karnaa PSF oo waa jilceen,sida ilo muhiim ah noo xaqiijiyeen. Hadii la rabo in xaaladu caadi kusoo noqoto oo shacabka dayacan Guryahooda ku soo laabtaan,waa in Madaxweynuhu Shir jaraa’id qabtaa iyo Isimada waa weyn. Inta laga soo sheegayo Deni in uu Qaracan yahay oo Dhiigi ku karsan yahay Ciilna qabo Dadku kuma soo laaban karaan Guryahooda. Bosaso dagaal kale ma qaadi karto ,waxayna noqon doontaa in aysan dib usoo…

Read More

Guddiga Golaha Wasiirada ah ee ka shaqeynaya Gurmadka iyo Garab istaaga dadkii kasoo barakacay Boosaaso,ayaa saaka booqday xarumaha ay dadkaasi kaga suganyihiin Carmo. Madaxweyne Deni ayaa faray Guddigan in dhakhso loo garab istaago dadkaasi, loo kuurgalo xaaladooda, la gaarsiiyo gurmad degdeg ah, isla markaana laga caawiyo dib-u-laabashadooda. Guddiga Wasiirada ah ayaa hadda u gudbay deeganada kale ee u dhow Boosaaso .

Read More

Wafti ka socday Dowlad Goboleedka Jubbaland oo uu hogaaminaaye Madaxweyne ku xigeenka 1aad Mudane Maxamuud Sayid Adan oo uu ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Mudane C/raxmaan Cabdi Axmed iyo lataliyaha sare Dr. Cali Axmed oo maalmahan safar shaqo u joogay dalka Kenya ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Gavanaha ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane. Waxaa laga wada hadlay iskaashiga arimaha Amniga, Abaaraha iyo maareeynta arimaha qoxootiga oo labada dhinacba masuuliyad ka saarantahay. Arimahaas ayaa si fiican la iskugu afgartay waxaana jiri doonaa booqashooyin laba dhinac lagu sii hormarinayo qodobada laga wada hadlay.

Read More

Ciidamada Itoobiya ayaa amar lagu siiyay in ay ku ekaadaan gobolada Cafar iyo Amxaara oo deris la ah gobolka Tirgree, kadib markii goboladaas laga saaray dagaalamayaasha TLPF. Madaxa warfaafinta Itoobiya Dr Legesse Tulu ayaa sheegay in go’aankani yahay mid kumeelgaar ah. “Ololaha midnimada qaran waa laga gaaray hadafkii koowaad ee laga lahaa, taas oo ahayd in TPLF laga xoreeyo meelihii an qabsadeen” ayay yiri Dr Legesse. Wuxuu sheegay in marka ay ku habboontahay uun la qaadi doono wax talaabo ah, inta ka horeysana ciidanka laga illaalinayo in uu wax dhib ah soo gaaro. Dhanka kale wuxuu sheegay in kooxda TPLF…

Read More

Warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in dowladu wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaalada Bosaso, islamarkaana ay qaadayso talaabooyin lagu fududaynayo dadaalada. madaxtooyada waxay ku eedaysay in Agaasimaha PSF inuu hurinayo colaad ka dhacda Bosaso. Warsaxafadeedka madaxtooyada ayaa imaanaya ka dib dagaal hub culus la isku adeegsaday oo xalay ka dhacay magaaladda. Ciidamada PSF ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar ay dowladu ku soo qaaday. Warar ka imaanaya Bosaso waxay sheegayaan in Ciidamadu dowladu ay ka baxeen aagagii uu dagaalku ka socday ee Xaafadaha Suweyto, wadada hor marta xarunta dr axmed…

Read More

Reached by VOA Somali, the United States Africa Command said it did not have a formal relationship with the PSF and did not provide direct support to the PSF. AFRICOM described PSF as Puntland’s “most capable counterterrorism force” and said it was concerned about how the clashes could affect the PSF’s ability to fight multiple militant groups. “Both al-Shabab and ISIS likely consider the PSF a substantial obstacle to gaining territory and revenue in Puntland and are likely closely monitoring the situation,” AFRICOM spokesperson Kelly Cahalan told VOA Somali. “We are concerned that these clashes will diminish the counterterrorism capabilities…

Read More

Ciidamada PSF si karaamo leh ayay iskagaDifaaceen weeraradii xalay saq dhexe iyo kuwii saakay Aroortii. Ciidamada Badda,ayaa xalay kasoo weeraray dhanka Bada Xarunta PSF,waase lagu jabiyay oo khasaare baaxad leh,ayaa la gaar siiyay. Sidoo kale dhanka Madaxtooyada iyo Suweyto,waxaa kasoo weeraray Daraawiishta,iyagana waa iska caabiyeen PSF oo waxay riixeen ilaa Jidka Sodonka. PSF markay iska riixeen Ciidamadii soo weeraray oo ay fogeeyeen ayay si Istiraatiijiya dib ugu laabteen Difaacoodii rasmiga ah. PSF wax weerar ah masoo qaadin,waxayna weli ku taagan yihiin xabad joojintii.

Read More

Fariinta aan Isimada udiraynaa,waxay tahay in aysan soo bixin oo aysan wax hawl ah oo ay galaan aysan jirin ilaa Deni Afkiisa shir Saxaafadeed ugaga dhawaaqo Xabad joojin. Sababtoo ah waxii hada ka danbeeya lama aamini karo,mana ahan masuul laysku halayn karo warkiisa. Saakay,ayuu soo baxay warka sheegaya in Deni uusan nabad rabin iyo wada xaajood ee uu Rasaas urursanayo dibna usoo diyaar garoobayo,Xabad joojinta uu ku dhawaaqayna ay tahay kaarto-bax.

Read More

Goor dhawayd,ayaa waxaa la hadlay Isimadii hawsha ku jiray,waxay usheegeen in ay soo gaarayaan xogo in Ciidan cusub iyo Rasaas Bosaso la galiyay oo weerar Dowladu qaadayso. Madaxweyne Deni,waxuu ku yiri Isimada igu kalsoonaada majirayo weerar Dowladu ay qaadayso oo balantii ayay ilaalinaysaa. 10-daqiiqo kadibna,waxaa bilaabatay Rasaas xoog badan,marka su’aashu waxay tahay … Yaa dalka xukuma? Muxuu Deni rabaa? Maxay tahay sababta uu uqadarin waayay Umada haldoorkeedii? Maxay tahay sababta isagoo Xabad joojin ku dhawaaqay uu weerarka uqaadayo? Walaahi waa nasiib daro.

Read More

Madaxweynuhu,waxuu markale xaqiijiyay in aysan Dowladu wax weerar ah qaadayn oo ay ku joogto Xabad joojintii ay ku dhawaaqday. Isimada iyo haldoorka wada xaajoodka loo xushay,waxay ku jiraan diyaar garow oo ilaa beri Garowe ayay soo galayaan. Islaanka iyo Suldaanku waxay tagidooda Garowe,kadib ugudbayaan Bosaso. Dhaqdhaqaaqa Bosaso ka jira ee Dowladu samaynayso,waa sugid amni oo caadiya. Dadku ha isdajiyaan.

Read More

Waxaa goor dhawayd Nayrobi kusoo gabagaboobay Shir jaraa’id oo lagu taageerayo Xabad joojinta. Shirka,waxaa fadhiya Masuuliyiin miisaan culus… 1.Madaxweyne Faroole.2.Madaxweyne Gaas.3.RW Cumar Cabdirashiid.4.Xildhibaan Dhaashane.5.Xildhibaan Shaaciye. Halkan ka akhriso baaqa ay soo saareen Odoyaasha

Read More

Suldaan Siciid iyo Islaan Bashiir,ayaa la hadlay Deni,waxuuna ka balan qaaday Xabad joojin iyo wada xaajood. Waxaa loo qabtay Saacado in uu ku dhawaaqo Xabad joojin,taasoo hada ay ku jiraan shaacinteeda. Xalay,waxaa arinka galay Suldaan Siciid oo uu ka balan qaaday in uu Xabada joojinayo Deni,balse waa ka baxay balankaas oo Weerar buu qaaday. Isku soo wada duuboo shaacinta hada ay ku jiraan Deni iyo Dowladiisa,ayaan sugaynaa.

Read More

Saakay Hiirtii Waaberi ayay Xabada soo bilaabeen Ciidamadii ay soo lugooyeen Aaran-jaan. Dhawr jiho ayay kasoo weerar tageen oo ay kasoo galeen dagaalka. Si degan,ayaa loogu babac dhigay oo jawaab loo siiyay. Dhawr saac oo ay Xabadu si adag usocotay ugi danbayn waa kala carareen Ciidanada lasoo lugooyay. 2-Gaari waa laga qabtay midna waa laga gubay,Afar Askarina waa ka dhimatay rabi ha’unaxariisto. Haatan Ciidamada PSF difaacoodii ayay ku laabteen,kuwii ay soo lugooyeen Aaran-,jaan laba jiho ayay ukala jabeen oo furxadkoodii sii maraya. Waa ka xunahay qaxa shacabka ee Aaran-jaan barakiciyeen.

Read More

Axmed Karaash waa ku gacansayray soo jeedintii Deni. “Markii aad weeraraysay Gudoomiyihii Baarlamaanka igalama aadan tashan,markii aad weeraraysay PSF igalama aadan tashan,ma markii aad dhiiqada lugaha lagashay,ayaad ii yeeraysaa?Adeeroow waa kugu kaligaa!!Ayuu ku yiri Karaash. Deni caawa,ayuu uyeeray Karaash iyo masuuliyiin kale si ay ula furdaamiyaan dhiiqada uu bartanka u istaagay. Axmed Karaash waxuu aad uga caraysan yahay sida Deni umaamulay xaalada Dalka,gaar ahaan mida PSF oo uusan wax tixgelina ka siin haldoorka Bulshada.

Read More

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhintay in ka badan 40 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Boosaaso, sida ay VOA u xaqiijiyeen qaar ka mid ah goobaha caafimaadka ee magaalada, waxaana dadka dhibnta isugu jiraan ciidan iyo rayid. Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano oo xiriir la soo sameeyey VOA ayaa ka warbixiyey xaaladdii dagaalka ee magaaladda Boosaaso maanta ku dhex maray ciidanka uu hurmuudka u yahay iyo kuwa Puntland, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey khasaaraha soo gaaray dhinacooda iyo sida uu u arko dagaalka uu la galay ciidamada Puntland ee wakhtiga dheer ay si isku mid ah uga qayb…

Read More

Mudada ay Amisom sii joogayso Somaliya,ayaa lagu daray 3-bilood oo kale,waxayna ka dhigan tahay ilaa 31-Maarso ee sanadka cusub 2022 in ay sii shaqayn doonaan. Golaha amaanka,ayaa usameeyay Amisom mudo kordhonta hawlgalkooda. Tani waxay timid,iyadoo intii mudo ahaydba laysku mari waayay qorshe ahaa in Ciidamada Amisom hawlgalkooda loo badalo mid heer Caalami ah oo hoos taga Qaramada midoobey. Dowlada Somaliya,ayaa qorshahaas dood adag ka keentay.

Read More

Waxa soo weeraray Xaruntii ganacsiga Puntland oo sababay dhimashada,dhaawaca iyo Barajaca oo qorshihiisa iyo aragtidiisu shaqaynayso waa Maxamuud Shido. Deni waa magaca iyo Shaabada la isticmaalayo. Mar walba oo ay timaado Dowlad uu talo ku leeyahay Maxamuud Shido,waxaa dhaca sicir barar,colaad sokeeye,Qaraxyo iyo Dilal qorshaysan. Kasoo bilow Jaamac Cali Jaamac,Faroole iyo Deni marka ugu danbaysa Madaxweyna walba,isagoo ceebaysan oo fashilmay,ayuu ka baxaa Xaafiiska. Puntland waa ka badbaadaysaa tala xumada Maxamuud Shido.

Read More

War kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Muqdisho,ayaa lagu yiri sidan tan.. “Waa in Dagaalka ay joojiyaan labada dhinac oo kusoo laabtaan wada hadalka,Dagaalku wax xal ah uma keenayo Bosaso iyo Shacabkeeda”. Waxa qoraalka Maraykanka ka muuqata wali in ay lex jeclo badan uqabaan Ciidamada PSF.,waxuuna uyahay garab istaag weyn. Deni iyo kooxdiisa Aaran-jaan,ayuu ku yahay waji gabax iyo dhabarjab,waana digniin adag oo kasoo baxday gacan aan lagu ciyaari karin sida haldoorka reer Puntland sida loogu ciyaaro.

Read More

Maanta isimo la hadlay lahaystaha oo ku yiri dagaalka jooji,waxuu ugu jawaabay,shaqo idin taal mahan. Garowe markuu kasoo degay,waxuu amar ku bixiyay in dagaalka lasii wado oo Hub,Ciidan iyo Saad dheeriya loo daabulo Bosaso. Galabta,waxaa soo weerar tagay Ciidamada Bada oo dhanka Xeebta damcay in ay kasoo galaan,iyagana jawaab adag bay la kulmeen. Dhimashada dhanka PSF,waa Laba Askari iyo Laba Dhaawac ah. Gaadiid Afar ah oo kuwa dagaalka ah ayay Ciidamada PSF midna gubeen 3-gacanta ku dhigeen. Dhanka kale Ciidamada Wadaniga ah ee PSF,waxay gurmad ufidiyeen Dadkii barakacay iyo dhaawacyadii. Dagaalku si teel-teel ah,ayuu usocdaa xiligan,waxaana la filan karaa in…

Read More

PSF si fiican ayay iskaga difaacday weerarkii gardarada ahaa ee Aaran-jaan iyo lahaystahooda Deni. Madaxtooyada Bosaso waxaa la wareegay Ciidanka PSF,waxaana halkaa ku geeriyooday Talyihii ilaalada Madaxtooyada. Dhanka Xaafadaha Suweyto iyo Raxma Ciidamada PSF si buuxda ayay uriixeen Ciidankii Aaran-jaan ee Jimcaale hogaaminayay. Hal Baabuur waa laga gubay,waxaana laga qabsaday Baabuur kale oo Shilka ah Ciidanka Aaran-jaan ee Jimcaale. Ciidankii Bada ee dhanka Dekeda ka yimid dib baa loo jabiyay,waxaana gudaha loogu xareeyay Dekeda. Xarunta Gobolka,ayaa ka mid ah goobaha talaabada laga qaaday oo PSF ay burhaanteedu gaartay. Hada Xabadii waa istaagtay Ciidanka PSF ee xaq ku dirirka ahna difaacoodii…

Read More